Manchester United & Liverpool Oo Samaysanaya Tartan U Gaar Ah Kaddib

Kaddib markii uu burburay tartanka Super League ee qorshihiisu maalmaha kooban ku fashilmay, kooxaha horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Liverpool ayaa la yimid qorshe kale oo ay ku samaysanayaan tartan ay sannad iskaga hor yimaaddaan oo ay si xidhiidh ah u ciyaaraan labadooda oo kali ah.

Labada kooxood ee ugu waaweyn taariikhda kooxaha Ingiriiska ee Manchester United iyo Liverpool ayaa jeebadda kala soo baxay qorshe ay ku beddelayaan Super League si ay iskood ugu samaystaan dhaqaale.

48 saacadood kaddib markii ay labada kooxoodba ka baxeen tartanka European Super League, waxay bilaabeen wada-hadallo ay ku gorfaynayaan kulamo iyagu isku haleelaan oo si ay u sameeyaan lacago waqtiyada horyaalladu fasaxa yihiin ee xagaaga.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in qorshaha labada kooxood yahay, in ciyaaro saaxiibtinimo ay yeeshaan xilliyada xagaaga ee ay horyaalladu dhamaadaan.

Liverpool ayaa garoonka Old Trafford tegi doonta dhamaadka bisha July ee sannadkan, halkaas oo labada kooxood ay ciyaartooda ugu horreysa  ku  yeelan doonaan. Waxa ku xigi doonta Manchester United oo horraanta bisha August tegi doonta Anfield.

Labada kulan ee labada kooxood ayay kooxuhu filayaan in ay garoomadu usoo buuxsami doonaan, isla markaana ay sannad walba ka samayn doonaan dhaqaale badan.

Liverpool iyo Manchester United ayaa hore ugu kulmi jiray ciyaaraha saaxiibtinimo ee  lagu ciyaaro waddanka Maraykanka ee loo yaqaano International Champions Cup, laakiin in ay gudaha Ingiriiska ku ciyaaraan kulamo aan ka tirsanayn taramada caadiga ah ayaan hore u dhicin.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More