Man United, Liverpool, City & Bayern Oo Ku Dagaallamaya

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Isniin ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Weeraryahanka Tottenham iyo xulka qaranka England ee Harry Kane oo 27 jir ah ayaa kusoo baxay liiska ciyaartoyda ay doonayso Manchester City, waxaana calmaday Guardiola oo doonaya inuu keensado Etihad Stadium. (Independent)

Goolhayaha Manchester United ee Dean Henderson oo 23 jir ah, waxa uu doonayaa in lagu diro heshiis amaah ah, si uu xili ciyaareedka dambe uga mid noqon karo xulka qaranka Englanad. Kooxaha Leeds iyo Brighton ayaa lala xidhiidhinayaa. (Sun)

Manchester City waxay soo gabogabaysay doonisteedii kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo 33 jir ah, sida uu sheegay khabiirka ciyaaraha Spain ee Semra Hunter. (Sky Sports)

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo 34 jir ah ayaa qirtay in ciyaaris la’aantiisa Chelsea ay walaac ku hayso, isla markaana uu go’aan ka gaadhayo mustaqbalkiisa bisha January. (Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen oo 28 jir ah, waxa si xor ah ku fasixi doonta bisha January naadigii dhowaanta la saxeexday ee Inter Milan, sida uu xaqiijiyey Agaasimaha fulinta kooxdaas ee Beppe Moratta. (Goal)

Manchester United ayaa xiisaynaysa inay u dhaqaaqdo Eriksen, haddii ay dhab noqdaan fasaxa ay Inter sheegayso. (Corriere Dello Sport)

Arsenal waxay heshay war farxad leh oo kasoo gaadhay laacibka khadka dhexe ee reer Turkey ee Yusuf Yazici oo ay doonayso, kaddib markii uu wakiilkiisu qiray inuu miiskiisa saaran yahay dalab lacag badan ah oo lagu doonayo kubbad-sameeyahan Lille. Laacibkan 23 jirka ah ayay dad badan barbar-dhigaan Mesut Ozil. (Mirror)

Difaaca reer France ee Dayot Upamecano oo 22 jir ah, ayaa ka tegi doona RB Leipzig xagaaga soo socda, waxaana ku loollami doona Bayern Munich, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United. (Bild)

Dhaawaca soo gaadhay difaaca Barcelona ee Gerard Pique oo 33 jir ah, waxa uu isbeddel ku samayn doonaa qorshihii kooxda ee suuqa bisha January, waxaanay u dhaqaaqi doontaa inay lasoo saxeexato difaac booskiisa buuxiya, gaar ahaan Eric Garcia oo ah 19 jir u ciyaara Man City oo hore diiraddeedu u haysay. (MUN)

West Ham ayaa loo bandhigay inay heshiis amaah ah ku qaadato weeraryahanka Real Madrid ee Mariano oo 27 jir ah, bisha January, waxaana dalabkan la socda inay iibsan karto. (Corriere dello Sport)

Xoghayaha Barcelona ee Ramon Planes ayaa la kulmi doona tababare Ronald Koeman, waxaanay ka wada hadli doonaan haddii ay ku qasban yihiin difaac cusub oo ay lasoo saxeexdaan. (Marca)

Eduardo Camavinga oo ah 21 jir khadka dhexe uga ciyaara xulka France iyo kooxda Rennes ayaa lala xidhiidhinayaa Tottenham, xilli ay jirtay in Real Madrid uu bartilmaameedka koowaad u ahaa. (Football London)

Difaaca Sevilla iyo France ee Jules Kounde oo 22 jir ah ayaa sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay tababaraha Man City ee Pep Guardiola xagaagii tegay, suurtogalna ay ahayd inuu u wareego. (Canal Football Club).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More