Magacyada SHAN Xiddig Oo Thomas Tuchel Uu Rumaysan Yahay Inay U Qaadi

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayay u calaamadsan yihiin shan ciyaartoy oo uu doonayo inuu lasoo saxeexdo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, kuwaas oo uu rumaysan yahay in haddii uu helo uu horyaalka Premier League ku garaaci karo Manchester City.

Horyaalka Premier League ayaa afartii sannadood ee ugu dambeeyey u dhexeeyey labada kooxood ee Manchester City oo saddex mar qaadday iyo Liverpool, laakiin Chelsea ayaa hantiday Champions League oo ay ku garaacday Manchester City.

Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel ayaan qarsanin xiisaha uu u hayo weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo warbaahinta Ingiriisku ay ku soo warramayso inuu heshiis shaqsi ah ay Chelsea la gaadhay. Laacibkan ayaa Tuchel iyo Roman Abramovich ay ka dhigeen bartilmaameedkooda suuqa, waxaana imaatinkiisu uu u horseedi doonaa inay dhaliyaan goolal badan, halkaas oo ahay meesha dhibaatada ugu badan ay ka haysatay Blues.

Waxa kale oo Blues ay ka shaqaynaysaa saxeexa difaaca midig ee Inter Milan ee Achraf Hakimi oo dalab ay hore u gudbiyeen laga soo diiday balse ay dib u dalbadeen mar kale iyagoo kordhiyey lacagta, kuna daraya Alonso.

Damaca Chelsea ee labadan ciyaartoy ayaan cidna ka qarsoonayn, waxaana usbuucyadii ugu dambeeyey aanu idiin soo gudbinay warbixinno badan oo la xidhiidha sida Chelsea ay uga shaqaynayso inay lasoo saxeexato labadan ciyaartoy.

Hase yeeshee waxa jira saddex ciyaartoy oo kale oo Thomas Tuchel uu iyagana doonayo inuu keeno Stamford Bridge, waxaanay kala yihiin Adama Traore oo ka tirsan Wolves iyo xulka qaranka Spain, Saul Niguez oo Atletico Madrid ka tirsan, waqti dambena soo galay liiska xiddigaha ay doonayaan iyo Maxence Lacroix oo u ciyaara kooxda Wolfsburg ee waddanka Jarmalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More