Madaxweynaha UEFA Oo Si Xun U Aflagaadeeyay Ed Woodward & Madaxa

Madaxweynaha UEFA Ceferin ayaa jawaab carro leh ka bixiyay go’aankii ay 12 kooxood ugu dhawaaqeen inay sameysteen tartan cusub oo la magac baxay European Super League kaasoo baabi’inaya Champions League iyo xamaasadii horyaalada ugu waa weyn Yurub.

Ceferin ayaa ugu hanjabay ciyaartoyda 12ka kooxood in laga mamnuuci doono tartamada caalamiga ah sida Qaramada Yurub iyo Koobka Adduunka haddii ay ka qeyb qaateen European Super League.

Madaxweynaha UEFA ayaa ku kacay arin aan looga baranin mas’uul isagoo si shaqsi ah u aflagaadeeyay labo ka mid ah madaxda kooxaha ugu waa weyn Yurub oo kala ah maamulaha Man United Ed Woodward iyo madaxweynaha Juventus Agnelli.

“Waxaan aheyn doqomo aan ogeyn in masas ay nagu hoos jireen” ayuu yiri Ceferin. “Haatan waan ogaanay. Fekerkaan waa mid wajiga kaga candhuufaya dhamaan dadka jecel kubada cagta iyo bulshooyinkeena, sidaasi darteed uma ogolaan doono inay kubadeena la wareegaan.”

Haddii isweydiineyso masaska uu ka hadlay Ceferin waa Ed Woodward iyo gudoomiyaha Juventus Andrea Agnelli.

“Waxaan ahaa qareen muddo 24 sannadood ah, waxaan soo arkay dad aad u badan oo kala gedisan. Laakiin waligeey ma arkin dad la mid ah kuwaan.” ayuu yiri.

“Ed Woodward wuxuu i soo wacay Khamiistii hore isagoo ii sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay isbedelada aan ku sameyneyso Champions League, islamarkaana waxa kaliya uu u baahan yahay inuu nagala hadlo ay tahay sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub ee FFP … wuxuu sidaas iila hadlayay xilli uu wax kale soo saxiixay.

“Damacooda waa mid aad u xoogan oo meesha ka saaraya qiimo kasta oo bani’aadamka uu lahaa.

“Andrea Agnelli ayaa ah niyadjabkii ugu weynaa abid. Waligeey ma arkin qof u been badan sidiisa oo kale, si joogta ah ayuu been iigu sheegayay. Waa wax aan la rumeysan karin.

“Mar walba waa ay fiican tahay inaad barato qofka dhabta ah ee la macaamileyso.

“Waxay ahaayeen kuwa si buuxda u taageerayay qorshaheena dib u habeynta Jimcihii iyagoo waqtigaas saxiixay heshiiskii Super League.”

Gudoomiyaha Super League ahna madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa difaacay Agnelli isagoo ku baaqay in UEFA ay xilka ka qaado Ceferin madaama uu aflagaadeeyay Agnelli iyo Ed Woodward.

“Wixii uu yiri madaxweynaha UEFA waxay aheyd wax uusan dhihi karin” ayuu yiri Florentino Perez. “Wuxuu aflagaadeeyay Agnelli. UEFA waa inay isbedesh, ma dooneyno madaxweyne ina aflagaadeynaya.

“Waxaan rabnaa daahfurnaan. Waxaan dooneynaa in wax walba ay sida fiican isku bedelaan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More