Maaha Haaland & Sancho!! – Man United Oo Xiddigii

Kooxda Manchester United ayay soo baxeen warar sheegaya inay doonayso xiddig cusub oo Borussia Dortmund ah isla markaana aan ahayn da’yarta weerarka kooxdaas ee Erling Haaland iyo Jadon Sancho midkoodna.

Xiddigaas ayaa ah daafaca dhexe ee Dortmund ee Manuel Akanji kaas oo ay doonayaan inay xagaaga kusoo xoojiyaan daafacooda dhexe ee aadka u sahlan.’

Manchester United ayaa hadda booska labaad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka Premier League sidoo kalena joogta wareega siddeed dhammaadka Europe League walow ay xalay ka hadheen FA Cup.

Laakiin tababare Solskjaer, agaasimaha cusub ee kooxda ee John Murtough iyo waliba madaxa farsamada ee Darren Fletcher ayaa durba kasii fikiraya qorshayaasha iyo qaabka ay kooxdooda usoo xoojin lahaayeen xagaaga.

Manchester United ayay ka go’antahay inay horumariso safkeeda xilli ay doonayaan inay yareeyaan kala duwanaanshaha u dhaxeeya iyaga iyo Manchester City waxaana ay u baahan yihiin wajiyo cusub si ay usoo af-meeraan ku guuleysiga Premier League ee ay mudada dheer sugayeen.

Haaland ayaa bar-tilmaameedka koowaad u ah Ole Gunnar kaddib markii ay Anthony Martial, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood ku fashilmeen inay joogtayn sameeyaan.

Sidoo kale Jadon ayaa kamida liiska xiddigaha laga doonayo Old Trafford walow ay saxeexiisa seegeen xagaagii sanadkii hore oo ay aad u doonayeen.

Haatan shabakadda 90min ayaa sheegaysa in Manchester ay doonayso saxeexa Akanji, 25 sano jirkaas ayaa isku muujiyay Dortmund xilli ciyaareedkan isla markaana 20 kulan oo horyaalka ah soo ciyaaray ilaa hadda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More