Liverpool waxay ixtiraam weyn u muujineysaa xiddigooda

Liverpool ayaa u dabaal degtay cabitaankeeda aan khamriga ahayn markii ay ku guulaysteen Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Kabtan Jordan Henderson ayaa shaaca ka qaaday inay sidaa u sameeyeen xushmad ay u hayaan xiddigooda muslimka ah ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Liverpool ayaa u dabaaldegtay horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 30 sano ah iyagoo si gaar ah ugu dabaal degay Anfield.

Rashka ayaa cirka loo tuuray iyadoo ciyaartoydu ay ku shubeen cabitaan ciid ah halka Henderson uu kor u qaaday koobka.

Laakiin kabtanka kooxda ayaa haatan sheegay in cabitaanka khamriga uusan u dabaaldegin marka loo fiiriyo xiddigaha Muslimka ah Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo xitaa aan u dhowaan qamriga.

Henderson oo la hadlaya The Times, ayaa yidhi: “Cabitaanka aan dabaaldegnay wuxuu ahaa mid aan khamri cabin sababtoo ah Mo iyo Sadio.

“Markaan ku jirno qolka labiska, waxaan ixtiraamaynaa diintooda, marka maxaan ugu ixtiraami lahayn bannaanka?”

Henderson waxa kale oo uu sheegay in qolka labiska ee Liverpool ay ka buuxaan ciyaartoy diimo kala duwan, dhaqamo iyo jinsiyado kala duwan leh.

Wuxuu raaciyay: “Waxaan fiirinayaa halka ay ka yimaadeen Sadio iyo Mo iyo waxa ay gaarayaan shaqsiyan.

“Markii aan ku jirno barkadda dabaasha ee uu Sadio ku dabaalanayo, wuxuu ii sheegayaa inuu bartay dabaasha wabiga u dhow tuuladiisa, sidaa darteed uu la qabsaday biyaha.

“Waxaan fiiriyaa safarkayga aadna waan u faraxsanahay, waxaan ka imid qoys shaqeeya, laakiin waligey khibrad uma lahan noloshooda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More