Liverpool & Real Madrid Oo Loo Fududeeyay Iibsashada Kylian Mbappe

Paris Saint-Germain ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhigtay qiimaha Kylian Mbappe lagu iibsan karo xagaagan iyagoo ka dhigay kaliya 102 milya ginni madaama uu kooxda Faransiiska ka dhamaaday sabarkii ay u hayeen weeraryahanka.

22 jirkaan ayaa hal sanno oo kaliya ay kaga harsan tahay qandaraaskiisa Paris Saint-Germain, waxaana weli la hubin inuu qandaraaska u kordhin doono inkastoo kooxda ay sameysay wax walba oo suurtogal ah oo uu ku saxiixi karo qandaraas cusub.

Real Madrid iyo Liverpool ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka iyadoo ZIdane iyo Klopp ay labaduba jecel yihiin xiddiga Faransiiska.

Wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee Le Parisien ayaa sheegaya in Mbappe uu qarka u saaran yahay inuu ka tago Paris Saint-German madaama maamulka kooxda uu ka dhamaaday sabarkii ay ku sugayeen inay qandaraaska cusbooneysiiyo.

Wargeyska wuxuu sheegay in PSG ay hoos u dhigtay qiimaha Kylian Mbappe lagu iibsan karo iyagoo ka dhigay kaliya 102 milyan ginni.

PSG ayaa ka carareysa in xiddigaan uu dhameysto qandaraaskiisa xilli ciyaareedka soo socda islamarkaana si bilaash ah ku baxo, sidaasi darteed waxay doonayaan inay lacag ku helaan xagaagan haddii uu diido inuu qandaraaska kordhiyo taasoo war wanaagsan u ah Real Madrid iyo Liverpool oo ku tartamaya saxiixa xiddigaan.

Mbappe ayaa wacdarro u dhigay PSG xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 30 gool islamarkaana caawiye ka noqday sagaal gool kale tartamada oo dhan oo uu saftay 36 kulan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More