Liverpool Oo Guul-darro Kusoo Dhoweysay Xiddigihii Muddada Dheer

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay guul-darro weyni kasoo gaadhay kulan saaxiibtinimo oo ay waddanka Austria kula ciyaartay Hertha Berling, taas la iska dhaliyey toddoba gool.

Liverpool oo ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ku jirtay jawi wanaagsan, isla markaana naawilaysay in ay qaybta dambe soo galaan Virgil van Dijk iyo Joe Gomez oo ay taageereyaashu kusii arkeen ciyaartoyda beddelka, ayaa waxay ku dhamaysteen guul-darro 4-3 ah.

Hertha Berling oo aan halmarna laga badinin kulamadii saaxiibtinimo ee ay xagaagan ciyaartay ayaa daqiiqaddii 21aad jabisay difaaca Liverpool, waxaana gool u dhaliyey Santiago Ascacibar, kaas oo waxyar kaddibna ay raaciyeen mid kale oo uu raaciyey Suat Serdar oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Liverpool ayaa intii aanay qaybta hore dhamaanin ka daba-timid labada gool ee lagala hormaray, waxaana daqiiqadihii 36aad iyo 42aad u kala dhaliyey Sadio Mane iyo Minamino. Goolka hore ayaa waxa uu Mane la galay xerada ganaaxa kadibna wuxuu ku laaday goolka hase yeeshee waxay isku dhigay difaaca Hertha Berlin, balse nasiib wanaag kubadda ayaa mar kale usii noqotay, waxaanu dhex-mariyey laag awood badan.

Kubadda goolka labaad ayaa waxa khadka dhexe ka  shaqeeyey Naby Keita oo dhaqaaqiisu ahaa mid cajiib ah, waxaanu u dhiibay Mohamed Salah oo isaguna cidhib ugu soo celiyey Minamino oo goolka ku hubsaday.

Qaybtii dambe ayaa mar kale laga naxsaday Liverpool, waxaana laba gool oo daran doori ah ka dhaliyey weeraryahankii hore ee Manchester City ee Stevan Jovetic oo daqiiqaddii 66aad madax ku qabtay kubad dhinaca midig looga soo qaaday, ka hor intii aanu dhamaadka ciyaarta oo toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin raacinin gool aad u qurux badnaa oo uu dhulka sii geliyey Van Dijk oo ugu gooyey xerada ganaaxa, isla markaana ku dabbaal-degay hortooda.

Dhamaadkii ayay Liverpool iska baadhay goolkeeda saddexaad oo aan ka badbaadinin guul-darro, waxaana u dhaliyey Alex Oxlade-Chamberlain oo daqiiqaddii 88aad kubbad awood badan shabaqa dhex dhigay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-3 ay guushu ku raacday Hertha Berlin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More