“Kulanka Germany Ayaan U Dhigtay….” Lamine Yamal Oo Fariin U Diray Germany Ka Hor Kulanka 8 Dhamaadka.

Da’yarka xulka qaranka Spain ee Lamine Yamal ayaa fariin u diray xulka Germany ka hor kulankooda wareea 8 dhamaadka.

Xulalka Spain iyo Germany ayaa isaga hor iman doona Wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2024 kadib markii ay dhaafeen wareega 16-ka.

Isaga oo 16 jir ah, Lamine Yamal ayaa durba samaynaya taariikh tartanka Euro-da ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Barcelona ayaa horey u diiwaan gashaday labo caawin tartanka – waa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee sidaas sameeya heerka group-yada iyo heerka bug baxa.

Yamal ayaa sidoo kale ku dhawaaday inuu hal ama labo gool dhaliyo, markii Spain ay wajahday Georgia laakiin taasi uma suurtagalin.

Si kastaba ha noqotee, Lamine uma muuqato mid aad uga walaacsan gool la’aantiisa.

“Waan ku faraxsanahay natiijada, waxaan ku faraxsanahay inaan gaarnay wareega 8da, waxa aan sugayaa kulanka soo socda”.

“Waa hubaal, waxaan jeclaan lahaa inaan gool dhaliyo kulamadii aan ilaa haatan ciyaaray Laakiin waxa aan goolasha u dhiganayaa kulanka Germany”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More