Kooxaha Xaqiijistay U Soo Bixitaankooda Wareega 16ka

Advertisements

Sideed kulan ayaa la ciyaaray caawa wareega group-yada Champions League habeenkii labaad iyadoo natiijooyin xiiso leh ay ka soo baxeen, Real Madrid oo 2-0 ku dubatay Inter Milan iyo Atalanta oo ka aargoosatay Liverpool islamarkaana ku garaacday Anfiedl.

Laakiin waa kuwee kooxaha ilaa iyo haatan xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League:

Caawa labo kooxood ayaa ku biiray afartii kooxood ee xalay u soo baxday wareega 16ka waxayna kala yihiin Manchester City iyo Bayern Munich.

Advertisements

Man City ayaa ka soo baxday Group C ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Olympiacos. City ayaa 12 dhibcood leh madaama ay wada badiyeen afartii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen. Porto oo ku soo xigta ayaa leh 9 dhibcood iyagoo qarka u saaran inay soo baxaan madaama ay lix dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Olympicos halka Marseille oo aan wax dhibic laheyn ay hartay iyagoo aan xitaa gool weli ka dhalinin Champions League.

Kooxda kale ee soo baxday caawa waa kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich oo 3-1 kaga badisay Red Bull Salzburg, Bayern Munich ayaa iyagana badiyay afartii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen iyagoo leh 12 dhibcood. Laakiin waxaa baxar ku jirta Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta kuwaasoo leh shan dhibcood iyagoo labo dhibcood kaliya ka sareeya kooxdii ay barbaraha caawa la galeen ee Lokomotiv Moscow.

Chelsea iyo Sevilla oo kuwa jira Group E ayaa xalay noqday kooxihii ugu horeeyay ee u soo gudba wareega 16ka Champions League ka dib markii ay Sevilla 2-1 kaga badisay kooxda Ruushka ee Krasnador halka Chelsea ay 2-1 kaga badisay kooxda Faransiiska ee Rennes.

Waxaa iyagana sidoo kale soo gudbtay labada kooxood ee ku jira Group G ee Barcelona iyo Juventus ka dib guulo kala duwan oo ay gaareen. Barcelona ayaa si raaxo leh ku soo baxday ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqday Dynamo Kyiv iyagoo 12 dhibcood ka helay afartii kulan ee ay ciyaareen oo ay wada badiyeen.

Juventus oo guul ciriiri 2-1 ka gaartay kooxda yar ee Ferencvaros ayaa iyadana ka soo baxday Group G madaama ay uruursadeen sagaal dhibcood halka Dynamo Kyiv iyo Ferencvaros ay hareen.

NATIIJOOYINKA KULAMADII CHAMPIONS LEAGUE EE TODOBAADKAN:Group A

Bayern 3-1 Salzburg

Atletico 0-0 Lokomotiv Group B

Inter 0-2 Real Madrid

Borussia Monchengladbach 4-0 Shakhtar Donetsk Group C

Man City 1-0 Olympiacos

Marseille 0-2 Porto Group D

Ajax 3-1 Midtjylland

Liverpool 0-2 Atalanta Group E

Krasnodar 1-2 Sevilla

Rennes 1-2 Chelsea Group F

Dortmund 3-0 Brugge

Lazio 3-1 Zenit Group G

Juventus 2-1 Ferencvaros

Dynamo Kiev 0-4 Barca Group H

Man Utd 4-1 Basaksehir ??

 PSG 1-0 Leipzig

Advertisements

La Wadaag Asxaabtaada:WhatsAppEmailTweet 2 Fekradood Cabaas cismaan cabdi says: November 25, 2020 at 2:18 pm

Fiikikaygu waa mid aad u wanaagsan waxan leeyahay waad mahadsan tihiin sida nogu garbgashee. Thank you ayaa. Idin lenahy

Cabaas cismaan cabdi says: November 25, 2020 at 2:19 pm

Fiikikaygu waa mid aad u wanaagsan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan Cancel reply

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.

Halkaan Hoose Ku Qor Fekerkaaga

Magaca *

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More