Koox Caan Ah Oo AFARTII Goolhaye Ee Ay Haysatay Uu Kaga Dhacay Korona

Kooxda kubadda cagta River Plate ee horyaalka waddanka Argentina ayay goolhaye la’aani ku dhacday kaddib markii dhamaan afartii goolhaye ee ay haysatay uu kaga dhacay Fayraska korona, xilli ay isku diyaarinayaan kulan adag oo ka tirsan tartanka Copa Libertadores oo ay la ciyaarayaan Independiente Sante Fe.

River Plate oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Latin America, caanna ka ah adduunyada ayaa kulanka soo socda iyo kuwa xigaba ahaan doonta goolhaye la’aan, iyadoo aan ciyaaraheedana bathroom baajin doonin.

Afar goolhaye oo ay kooxdani haysata ayaa waxa kaga dhacay Korona Fayras, waxaanay dhamaantood ku jiraan karantiil xilli xaasaasi ah oo ay kulamo adag sugayaan.

Xidhiidhka kubadda cagta  Latin America ee CONMEBOL ayay River Plate ka codsatay in ciyaartan dib loogu dhigo maadaama aanay haysanin goolhayeyaal, laakiin waxa lagu wargeliyey in aan kulankan la baajin doonin waqtigan oo ay soo dhow yihiin ciyaaraha Copa America oo bisha June bilaabmi doona.

Goolhayaha koowaad ee Alan Leonardo Diaz iyo goolhayaha labaad oo sidoo kale u ciyaarayay kooxda heerka labaad oo ciyaaaray kulankii Axaddii ay kooxdiisu Bombonera kula dheeshay Boca Juniors, ayaa labadaba karantiil la geliyey.

Sida uu qoray wargeyska Ole, tababaraha River Plate ee Marcelo Gallardo ayaa maalmahanba tijaabooyin ka qaadayay laacibka khadka dhexe ee Enzo Perez oo uu kusii laylinayay sidii uu goolka u qaban lahaa ciyaarta Independiente Sante Fe. 35 jirkan ayaa hadda laga daaweynayaa dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay lugta midig, laakiin waxay kooxdu magaciisa ku gudbisay in uu yahay goolhayaha kooxda ee kulankan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More