Koobka Adduunka Mise Euro-da: Tartanka Ada In Lagu Guulaysto Oo La Sheegay.

Xiddigii xulka France kula guulaystay koobka Adduunka iyo waliba tarnka Eurpean championship ee Emmanuel Petit ayaa sheegay in tartanka yurub ka adag yahay koobk adduunka marka laga hadlayo ku guulaysiga.

Halyeeyga Arsenal ayaa dhaliyaya goolkii 3-aad ee kulankii uu xulka France ugu guulaystay koobka adduunka sanadkii 1998 ee lagu qabtay dalka France ayaa sidoo kale ka qayb ahaa xulkii France ee sanadkii 2000 ku guulaystay tartankii euro ee lagu qabtay Belguim iyo Netherlands.

Petit ayaa ka mid ahaa xul ay ka mid yihiin Zinedine Zidane, Thierry Henry Iyo tababaraha xulka France ee haatan Didier Deschamps.

“Haa Ku guuleysiga Euro aad ayey uga dhib badan tahay ku guuleysiga Koobka Adduunka.”ayuu yidhi.

Xulal badan oo yurub ah ayaa ku guulaystay koobka Adduunka laakiin ku dhibaatoonaya in ay ku guulaystaan tartanka Euro-da.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More