Juventus Oo Ugu Dambayn Samirkii Ka Dhammaaday, Kulanka Guul Ama

Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa markale biyo kulul dhex fadhiya isaga oo ay soo xoogaysanayaan wararka sheegaya in shaqada kooxdaas gabi ahaanba laga caydhin karo haddii ay xumaato natiijada kulankooda soo socdaa.

Tababarahan xirfadiisa wali curdinka u ah ayaa ahaa mid ay la yaabtay cidkasta kaddib markii ay Juventus magacawday ee ay bedel uga dhigtay Maurizio Sarri iyadoo mudada uu joogay Turin ay kooxda ku hoggaamisay inay weydo horyaalka ay kootada ku haysatay sanadahan ugu dambeeyay.

Haatana waxaaba uu shaki galay fursada ay ugu dhammaysan karaan afarta kaalmood ee sarre ee ay Champions League ugu soo bixi karaan xilli ciyaareedka dambe kaddib bar-bardhacii dirqiga ahaa ee ay lasoo galeen Torino shalay.

Cristiano Ronaldo ayuu ahaa midka xalay u gargaaray Bianconeri xilli dambe isla markaana u keenay goolka bar-bardhaca ee ay kaga badbaadeen guuldarro ay ciyaarta Derby Turin kala kulmaan Torino.

Hadda wargeyska Tuttosport ayaa sheegaya in jalasku (Gambaleelku) dhacayo oo ay tahay wakhtigii si uun laga yeeli lahaa maamulka macalin Pirlo.

Kulanka adag ee ay Juventus kahor tagayso dhigeeda Napoli Arbacada ayaa la sheegayaa inuu hadda ka muhiimsan yahay sidii hore isla markaana uu dili karo amaba markale rajo gelin karo maamulka Pirlo ee Bianconeri.

Arrinta kale ee xiisaha weyn usii yeelaysa ciyaarta Juventus iyo Napoli ayaa ah in labada kooxood ay hadda dhibco isku mid ah leeyihiin balse ay farqiga goolasha ku sarreyso Juve.

Taas ayaa ka dhigan in guul ay kulankaas hesho kooxda tababare Gennaro Gattuso ay Juventus geyn karto booska 4-aad sidaasna kaga bixi karto kaalmaha CL loogu soo baxo.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka Juventus ee Pirlo uu shaaca ka qaaday in ay hubaal tahay in Pirlo 100% uu kooxda sii joogi doono.

Wargeyska ree Spain ee AS ayaa sheegaya in tababaraha ay Juventus doonayso uu yahay macalinka Real Madrid ee Zinadine Zidane oo hore ka ciyaaryahan ahaan ugu soo ciyaaray intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2001.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More