Joshua Zirkzee Oo Ka Jawaabay Xiisaha Man United.

Joshua Zirkzee ayaa damacsan inuu sii joogo Talyaaniga xitaa haddii uu ka tago Bologna mana doonayo in uu ku biiro Man United sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Tani waxay ku soo beegantay wax yar 24 saacadood ka dib markii The Athletic ay sheegtay Manchester United inay wadahadalo la leedahay wakiilka Zirkzee.

Inkastoo Red Devils aysan weli si toos ah ula xiriirin Bologna, Zirkzee ayay u aragtaa xiddig ay ku xoojin karaan weerarkooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada ayaa h wakiilka xiddiga ee Kai Joorabchian kaas oo dalban doona lacag dhan 15 milyan oo euro.

AC Milan ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixiisa – waxayna heysataa fursad wanaagsan, marka loo eego halka uu doorbidayo – laakiin wadahadalada ayaa hakad ku yimid sababtoo ah qarashka badan ee wakiilkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More