Ii Keena!! – Bruno Fernandes Oo Man United U Sheegay Xiddiga Uu

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxdiisa u sheegay inay sameeyaan saxeexa da’yarka daafaca bidix ee kooxda Sporting Lisbon ee Nuno Mendes.

Daafaca bidix ee Sporting ayaa ah mid qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan, wararka ayaa sheegaya in Manchester ay saxeexa ay ku helayso Mendes u adeegsan karto Alex Telles oo isaga qudhiisa daafac bidix ah balse xagaagii hore kusoo biiray kooxda.

Man United ayaa hadda ah mid si fiican uga gaashaaman daafaca bidix oo aah baahi weyn ka qabin, Luke Shaw ayaa si weyn horumar ugu hoos sameeyay tababare Ole Gunnar Solskjaer isaga oo ku raaxaysanaya xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed.

Sidoo kale Telles ayaa caddeeyay inuu yahay kaabis fiican iyo xiddig doorkaas kula tartami kara Shaw tan iyo markii uu Old Trafford usoo wareegay ee uu kaga yimid dhinaca FC Porto.

Marka laga yimaado xogtaas, wargeyska Record ee ka jira Portugal ayaa sheegaya in Man United ay saxeexa Nuno Mendes waysada u biyaysan karto xagaaga.

18 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan si fiican uga soo dhalaalaya Sporting isaga oo hal gool iyo hal caawimo kusoo sameeyay 20 kulan oo horyaalka Premiera Liga ah.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Fernandes oo ay Mendes kasoo wada ciyaareen Sporting uu yahay midka riixaya heshiiska kooxda lagu keenayo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More