Hordhac: Villarreal vs Man United – FINALKA Europa League, Xogta

Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in Manchester United uu u qaado koobkiisii ugu horreeyey isagoo tababare ah, isla markaana uu garaaco Villarreal oo ay caawa  ku ballansan yihiin finalka Europa League.

Kaddib afar final oo xanuun badnaa oo guul-darrooyin kasoo gaadheen, ayna ku jirtay finalkii tartankan ee xilli ciyaareedkii hore ee Sevilla ay semi-finalkii kusii dhaaftay, Manchester United ayaa mar kale taagan final iyadoo uu waliba hoggaaminayo tababare Solskjaer, waxaanay markan sidii doorarkii hore ay yihiin kooxda loo saadaalinayho in caawa ay magaalada Gdansk ee waddanka Poland ugu dabbaal-degi doonaan guusha Europa League.

Red Devils ayaa wareeggii semi-finalka waxay 8-5 kusoo burburiyeen AS Roma isku-darka labadii lugood, laakiin waxa ka horreysa Villarreal oo uu hoggaaminayo Unai Emery oo ah khabiirka iyo takhasuska koobkan, horena ugu soo guuleystay saddex jeer oo hore.

Emery ayaa Villarreal keenay finalka iyadoo uu semi-finalkii kusoo jiidhay kooxdiisii hore ee Arsenal, waxaanay koobkani uu yahay fursadda kaliya ee ay ugu soo gudbi karayaan Champions League xilli ciyaareedka dambe, maadaama ay kaalinta shanaad kaga dhamaysteen horyaalka LaLiga.

Kulamadii hore ee labadan kooxood

Afar jeer ayay iska hor yimaaddeen Manchester United iyo Villarreal, mana jirto koox guuleysatay. Afarta ciyaarood ee ay kulmeen ayaa kusoo dhamaaday barbarro.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Villarreal vs Manchester  United

Tartanka: Europa League Final

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stadion Energa Gdansk

Tirada dadka imanaya garoonka: 9,500 qof

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Villarreal ayaa dib usoo dhoweynaysa laacibka ay amaahda kaga soo qaateen Tottenham ee Juan Foyth iyo garabka  weerarka ee  Samuel  Chukwueze oo ay u noqonayso finalkii ugu horreeyey ee ay ciyaaraan, laakiin waxa dhaawac jilibka ah ku maqan Vicente Iborra oo tan iyo bishii December aan garoomada lagu arag.

 Manchester United ayaa waxa iyadana ka maqan kabtankeeda Harry Maguire oo inkasta oo uu ka mid  yahay ciyaartoyda u safartay Poland haddana aan tababarka la qaadanin ciyaartoyda kooxdiisa. Waxa kale oo maqan Anthony Martial iyo Phil Jones, laakiin taam soo noqday Scott McTominay iyo Fred.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Villarreal: Asenjo; Gaspar, Albiol, Torres, Pedraza; Trigueros, Capoue, Parejo, Yeremy; Moreno, Alcacer

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Bailly, Shaw; Fred, McTominay; Rashford, Fernandes, Pogba; Cavani

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More