Hordhac: Liverpool vs Southampton – Rajadii Liverpool Ee Champions

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield waxay caawa ku qaabbilaysaa Southampton, kulan xaasaasi ah oo Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu ay u baahan yihiin in saddexda dhibcood ay ku heleen, si ay rajadooda Champions League usii nooleeyaan.

Liverpool ma lumin karto dhibco kale haddii ay doonayso in ay qayb ka noqoto Champions League xilli ciyaareedka dambe, haddii ay barbarro keento ama laga badiyana waxay si rasmi ah u macasalaamayn doonaan in ay ka qayb-galaan tartankaas xilli ciyaareedka dambe.

Barbarro waqti dambe ah oo ay Leeds United iyo Newcastle United ku qabteen, waxay Liverpool soo gaadhsiiyeen dhaawac weyn oo xilli ciyaareedkooda ah, laakiin haddii Metropolis ay ka badiso Chelsea iyaguna ay saddexda dhibcood ka helaan Southampton, waxay xisaab ahaan rajo ka qabayaan in ay wali yimaaddaan fagaaraha ugu weyn Yurub.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Southampton

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa usoo noqday difaaca Nat Phillips oo kusoo bilaaban doona khadka dambe kaddib markii uu dhaawac ku seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Jordan Henderson ayaa isaguna u muuqda in uu soo kabanayo, waxaanu bilaabay tababarka shaqsiga ah laakiin wali ciyaartoyda masoo dhex-gelin.

Xiddigihii kale ee dhaawaca ahaa ee Van Dijk, Gomez iyo Matip ayaan wali wax ifafaale soo laabasho laga haynin.

Dhinaca Southampton, difaaca Jannik Vestergaard ayaa usoo labatay kaddib markii ay kooxdu ku guuleysatay rafcaan ay ka qaadatay kaadh cas oo uu qaatay kulankii Leicester Metropolis ay 1-1 ku qabteen.

Weeraryahanka Danny Ings ayaan ka hortegi doonin kooxdiisii hore sababtoo ah dhaawac muruqa ah, sidoo kalena Takumi Minamino oo ay Liverpool amaah ku siisay Southampton ayaan lavatory ogolayn in uu ciyaaro.

Waxa kale oo Southampton ka dhaawacan oo aan ciyaartan diyaar u ahayn Oriol Romeu, Michael Obafemi, Ryan Bertrand iyo Will Samallbone.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson; Thiago, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Southampton: McCarthy; Walker-Peters, Bednarek, Vestergaard, Salisu; Walcott, Diallo, Ward-Prowse, Armstrong; Redmond, Adams.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More