Gary Neville Oo Saadaaliyey Halka Ay Manchester

Gary Neville ayaa digniin u diray kooxdiisii hore ee Manchester United, waxaanu u sheegay in ay halis ku jirto oo ay lumin karto kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

United oo Axaddii ka hadhay tartanka FA Cup oo wareegga siddeedda ay ku garaacday Leicester City oo 3-1 ku karbaashtay.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League, isla markaana 14 dhibcood ka dambaysa Man City oo labaad ku jirta ayaa waxay rajaynaysay in ay xilli ciyaareedkan hantido FA Cup, hase yeeshee tartanka kaliya ee ay hadda ku dagaallami karayaan ayaa ah Europa League.

Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa kooxdiisa hore u sheegay in ay halis ku jirto kaalinta labaad ee ay kaga jiraan horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Manchester United ay tahay kooxda labaad ee ugu wanaagsan waddanka gudihiisa, wali sidaas ayay ila tahay. Laakiin taasi khatar ayay geli kartaa inkasta oo dareenkaygu yahay in ay isku filan tahay si ay ugu dhamaysato kaalinta labaad.”

Gary Neville oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Hamiga Manchester United ee xilli ciyaareedkan waxaan sii sheegay toddobaadyo ka hor, waana in ay si fiican ugu dhamaystaan kaalinta labaad, maaha inay noqdaan kooxda labaad oo xun.

“Haddii ay ka hoos maraan kaalinta labaad, waxay noqon doontaa niyad-jab dhab ah. Laakiin booska ay hadda ku jiraan, waxay ila tahay in uu yahay mid ay u dhow yihiin inay ku dhamaysanayaan iyagoo ah kooxda ugu dhow Manchester City.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More