El Clasico: Dagaalkii Ugu Xumaa Suuqa Oo Dhex-maraya Labada Kooxood Ee

Maalin uu dunida haystay Erling Haaland ayay ahayd Khamiistii. Warbaahinta oo dhan ayaa hadal haysay isaga iyagoo la socday safaro ay galeen aabbihii Al-Inge Haaland iyo wakiilkiisa Mino Raiola, kuwaas oo kulamo la yeeshay madaxda kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Xiddigan reer Norway oo January 2020 ay Borussia Dortmund kasoo iibsatay RB Salzburg, ayaa ka mid noqday hantida ugu qaalisan ee taalla suuqa iibka ciyaartoyda adduunka, waxaana muddo sannad iyo badh ah uu ku noqday laacibka loogu doonista badan yahay.

Raiola iyo Alf-Inge ayaa subaxnimadii Khamiistii shalay ka degay Barcelona iyagoo kulan degdeg ah la yeeshay madaxweyne Joan Laporta oo u caddeeyey uu doonayo in uu laacibkan soo iibsado, taas oo meesha ka saartay hadallo la isla dhexmarayay oo ahaa in aanay u haynin dhaqaale ay kusoo iibsato.

Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa isku dayay in uu ku qanciyey Raiola iyo Alf-Inge dalabka kooxdiisa iyadoo uu hoosta ka xariiqay in uu fulinayo waxyaabaha uu laacibkani doonayo, isla markaana uu u hayo jawi ku habboon ciyaartiisa oo uu hormood u noqon doono naadi awood badan oo guulo uu la gaadhi doono.

Laporta ayaa ugu dambayntii kulanka rajo fiican ka muujiyey isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay wax ugu socdeen.

Intaas kaddib Raiola iyo Alf-Inge waxay ka dhoofeen magaalada Barcelona iyagoo watay diyaarad khaas ah, waxaanay ka degeen Madrid oo ay kula kulmeen madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Mar kale ayay kulankan Madaxweyne Perez iskula soo qaadeen sida uu laacibkani ku tegi karayo Santiago Bernabeu, dalabyadooda iyo lacagta ay tahay in Los Blancos ay bixiso.

Halkaa kuma joogsan safarkoodu waxaanay jimcaha maanta tegayaan magaalada London oo ay kula kulmi doonaan Chelsea, Liverpool, Manchester United iyo kooxdii hore ee Alf-Inge Haaland uu u ciyaari jiray ee Manchester City.

Kaddib kulamadan, Real Madrid iyo Barcelona waxay mid walba muujisay damaceeda iyo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More