Dortmund Oo Aan Haysan Karin Haaland, Man City Oo Isbeddel Ku Samaysay

Akhristeyaal, wuu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa bisha June, laakiin hadda ayay kooxuhu sii shaqaysanayaan iyagoo kala jiidanaya ciyaartoyda sida bilaashka ah lagu heli karayo iyo kuwa kale oo ay saxeexyadooda sii bislaysanayaan ka hor inta aan la gaadhin waqtiga rasmiga ah.

Wargeysyada ciyaaraha ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta, xanta iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxaananu idiinka soo xulnay qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen maanta oo Axad ah:

Laacibka Manchester United ee Juan Mata oo 32 jir ah ayaa sannad kale oo heshiis ah qalinka ugu duugaya kooxdiisa, taas oo meesha ka saaraysa inuu tegayo xagaagan. (Daily Star)

Sebastian Kehl ayaa qiray in Borussia Dortmund ay gaadhay meel ay awoodi kari weydo in ay sii haysato weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland. (Goal)

Haaland ayaa bartilmaameedka koowaad ee Manchester City ka beddelay Lionel Messi, haddii uu 33 jirkani go’aansado in uu sii joogo Camp Nou. (Mirror)

Haaland ayaa la rumaysan yahay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid, laakiin kooxda reer Spain ayaan wax dalab ah ka gudbin doonin ciyaartoygan, waxaanay sugaysaa illaa inta uu isagu bixinayo ishaarada ugu dambaysa ee ah inuu ka tegayo Dortmund. (AS)

Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay iibiso da’yarkeeda Bukayo Saka oo 19 jir ah, si ay u hesho lacag ay Real Madrid si rasmi ah ugaga iibsato Martin Odegaard oo 22 jir ah. (Times)

Manchester United ayaa la sheegay in ay go’aansatay in ay iibiso goolhayaha reer Spain ee David De Gea, isla markaana uu xagaagan ka baxo Old Trafford. (Mirror)

Paris Saint-Germain ayuu weeraryahankeeda reer Argentina ee Mauro Icardi uu kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee Manchester United, waxaanay wararku sheegayaan in uu beddelayo Edinson Cavani oo uu hore ugala baxay booskiisii PSG. (Teamtalk)

Everton waxay xiisaynaysaa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Juventus iyo Argentian ee Paulo Dybala, laakiin 27 jirkan ayaa la rumaysan yahay in aanu doonayn inuu tago Everton. (Cough Offside)

Atletico Madrid waxay qorshaynaysaa in ay dalab ka gudbiso laacibka khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee  Harry Winks. 25 jirkan ayaan helin waqti uu ku ciyaaro intii uu Jose Mourinho joogay. (Sky Sports)

Kabtankii hore ee Chelsea iyo xulka qaranka England ee John Terry oo ka mid ah tababare ku-xigeennada Aston Villa ayaa lala xidhiidhinayaa in uu noqonayo macallinka Sheffield United. (Mirror)

Manchester City waxay isha ku haysaa difaaca bidix ee reer Sweden ee Gabriel Gudmundsson oo ah 21 jir u ciyaara FC Groningen. (TodoFichajes)

Manchester United ayaa doonaysa in ay lasoo saxeexato 18 jirka reer Portugal ee Nuno Mendes oo ka tirsan kooxda Sporting Lisbon. Ma doonayso United inay wax lacag ah bixiso, laakiin waxa qorshuhu yahay inay kusoo beddelato Alex Telles. (Record)

Barcelona waxay ka arrinsanaysaa in ay u dhaqaaqdo kubbad-sameeyaha Faransiiska ah ee Nabil Fekir ee u ciyaara Real Betis, laakiin 27 jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa Arsenal. (Estadio Deportivo)

Adrien Rabiot oo khadka dhexe uga ciyaara Juventus ayey wararku sheegayaan in uu ku jiro diiradda Everton, balse Barcelona ayaa sidoo kale danaynaysa. (Calciomercato).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More