CAJIIB: Tuchel Oo SHUKAANSIGA Iyo Dhibta Timo Werner Ee Chelsea

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay inuu ka joojiyay weeraryahanka kooxdiisa ee Timo Werner wakhtigii dheeriga ahaa ee uu ku qaadan jiray barashada dhammaystirka goolasha isaga oo dhibta xiddigaas ku haysata kooxda la bar-bardhigay shukaansiga.

Weeraryahanka Blues ayaa ahaa mid si weyn loogu jees-jeesay looguna camirtay kaddib markii uu goolka oo madhan khasaariyay fursad kulankii uu xulkiisa Germany guuldarrada kala kulmay North Macedonia.

Iyadoo xilli ciyaareedkan ay gool dhalintu noqotay mid aad ugu adag ayuu haddana tababare Tuchel xiddigoo hore ee RB Leipzig dhibkiisaas bar-bardhigay shukaansiga lamaanaha isaga oo sheegay inuusan qasab waxba ku xalin karin.

Tuchel ayaa sheegay in haddii aysan gabadhi doonayn inay casho kuu raacdo aanad ku qasbi karin sidaasina ay lamid tahay in haddii ay goolashu ku diidaan aanad qasbi karin dhalintooda.

TT ayaa yidhi “Isagu waxa uu luminayaa fursada qofkastaana waa mid xamaasad u qaba inuu ka hadlo taas oo ah mid wax yar i cadho gelisa”

“Way fududahay in aad farta ku fiiqdo Timo taas oo ah wax aanan aqbali doonin, waan ku faraxsanahay inuu halkan kusoo laabtay sababtoo ah halkan isaga waa lagu ilaaliyaa”

“Shalay isaga waan ka diray tababarka sababtoo ah waxa uu doonayay inuu tababar dhammaystirka ah anaga nala sameeyo, waxaan ku idhi uma baahnid midaas, jidhkaaga iyo maskaxdaadu way garanayaa sida loo dhaliyo”

“Ninkani waxa uu goolal dhalinayay tan iyo markii uu shan sano jirka ahaa mana aha wakhtigii uu xataa wakhti dheeri ah tababaran lahaa, Haddii aysan gabadhi doonayn inay casho kuu raacdo, iyada ma qasbi kartid”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More