Difaacii Birta Ahaa Ee Liverpool Doonaysay Inuu U Beddelo

Siddeed ciyaartoy oo difaacyahannada ugu wanaagsan waqtigan ah ayaa lala xidhiidhinayay Liverpool si ay ugu beddelaan Virgil van Dijk oo dhaawac ku maqnaanaya inta ka hadhay xili ciyaareedkan, waxaana xiddigahaas ugu horreeya Upamecano oo RB Leipzig u ciyaara, Caglar Soyuncu oo Leicester City ka  tirsan iyo Kalidou Koulibaly oo Napoli laf-dhabar u ah.

Kulankii xalay dhex maray Leicester City iyo Aston Villa ayaa waxa uu albaabada ka xidhay tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay difaaca reer Turkey ee Caglar Soyuncu oo muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaan doona.

Musiibadan oo dhacday kulankii xalay ay Aston Villa 1-0 kaga badisay Leicester, ayaa waxa xaqiijiyey tababare Brenden Rodgers oo tilmaamay in Caglar Soyuncu aan xisaabta lagu darsan doonin muddo saddex bilood ah.

“Aad ayaanu u tebi doonaa, waxa uu dhaawac ka gaadhay muruqa lugta midig, sidaa darteed, waxa uu maqnaan karaa muddo saddex bilood ah.” Ayuu yidhi Brenden Rodgers.

Caglar Soyuncu oo Leicester City ugu soo bilowday afartii ciyaarood ee xili ciyaareedkan ay dheeleen, ayaa sidoo kale ciyaaray 34 kulan oo ka mid ahaa 38kii ciyaarood ee kooxdiisa ee xili ciyaareedkii hore, waxaanu si dhab ah u buuxiyey booskii uu banneeyey Harry Maguire oo Manchester United ay ka iibiyeen xagaagii hore.

Dhaawacan taabtay Rodgers, waxa kale oo dareemaysa Liverpool oo la sheegay inay doonaysay inay u dhaqaaqdo saxeexa Caglar Soyuncu si uu ugu beddelo Virgil van Dijk oo isaguna muddo toddoba illaa siddeed bilood ah garoomada kaga maqnaan doona dhaawac kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby ee Everton ay Sabtidii 2-2 dhibcaha ku wadaageen garoonka Goodison Park.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More