DEG-DEG: Man United Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig Horay Ugu Soo Ciyaaray Chelsea.

Manchester United ayaa wadahadalo la furtay kabtanka Spain Alvaro Morata.

Morata ayaa la filayaa inuu ka tago Atletico Madrid xagaagan, waxaana lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankii hore ee Juventus ayaa haatan lala xiriirinayaa United.

Iyadoo Galatasaray iyo Fenerbahce ay sidoo kale xiiseynayaan, Sabah ayaa sheegay in wakiilada Morata ay hadda wadahadalo la leeyihiin United.

Weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa abid isagoo dhaliyay 21 gool.

31 jirkaan ayaa hadda si dhab ah uga fiirsanaya inuu ka tago Wanda Metropolitano ka dib Euro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More