Dalabyada Aan Macquulka Ahayn Ee Ilaix Moriba Uu Hordhigay Barcelona &

Barcelona ayaa ugu dambayn gacmaha kor u taagtay, waxaanay u sheegtay in aanay wax heshiis ah u bandhigi doonin oo aanay waqti dambe ku lumin doonin la hadalkiisa. Xiddiga da’da yar ee Ilaix Moriba ayaa dalabyo waalli ah hordhigay kooxdiisa Barcelona xilli uu qandaraaskiisu dhamaad yahay oo 11 bilood oo kali ahi ka  hadhsan yahay xilliga uu xorta ka noqonayo.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa isku dayay inuu Ilaix Moriba ku qanciyo inuu sii joogo Camp Nou oo uu saxeexo heshiis cusub, laakiin 18 jirkan ayaa hor-dhigay dalabyo waalli ah oo aanay xisaabtaba ku darsanin Blaugrana.

Ilaix Moriba oo 18 jir ah ayaa u sheegay Barcelona in ay wakiilkiisa iyo isagaba siiyaan lacago waalli ah si uu u saxeexo heshiis cusub, waxaanay taasi Barcelona ku noqotay layaab.

Barcelona ayaa rumaysan in ay isku dayday wax walba si ay ugu dhowaato dalabaadka laacibkan, waxaanay dalabkii ugu dambeeyey ku dhamaysatay niyad-jab.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in aanay mar dambe Barcelona wax dalab ah u bandhigi doonin Ilaix Moriba, sidoo kalena aanay aqbali karaynin inuu si bilaash ah kaga tago iyagoo aan garanayn wax ay sameeyaan.

Ilaix Moriba ayuu heshiiskiisu ku egyahay June 2022, waxaanay hadda ka fikirayaan in ay suuqa dhigaan oo ay iibiyaan inta ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyda.

18 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore ayuu ku muujiyey karti iyo tayo cajiib ah, illaa la gaadhsiiyey heer la barbar-dhigo Paul Pogba.

Si kastaba, Barcelona ayaan haynin dalabyo laga soo gudbiyey laacibkan, waxaanay tuhunsan tahay Real Madrid oo ay rumaysan tahay inay ka dhaadhicisay Ilaix Moriba in aanu heshiiska u kordhin Barcelona si uu xagaaga dambe u tago Santiago Bernabeu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More