Daafaca Cusub Ee Arsenal Gabriel Oo Isaga Jilbaha Ku

Daafaca Arsenal Gabriel Magalhaes ayaa celiyay Sergio Aguero isagoo jilbaha ku ordaya habeenkii Sabtida.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa garoomada ku soo laabtay ka dib muddo dheer uu dhaawac ku maqnaa isagoo ciyaaray in ka badan saacad kulankii ay 1-0 ku badiyeen ee Etihad Stadium ka dhacay.

Aguero ayaa ahaa mid aamusan waxaana ugu wacnaa qaab ciyaareedka Gabriel kaasoo Gunners xagaagan kaga soo biiray kooxda Lille isagoo ku soo wareegay heshiis 27 milyan ginni ah.

Daafaca reer Brazil ayaa wacdarro ka dhigay booskiisa, mana uusan ka baqeynin inuu isku dayo wax walba uu ku celin karo Aguero. Qeybihii ugu horeeyay ciyaarta, waxaa la arkayay Gabriel oo jilbaha ku ordaya isagoo fursad halis ah ka badbaadiyay Aguero.

Very small thing but I loved this from Gabriel yesterday, incredible body control pic.twitter.com/ECix4ifM3O

— Marc Penrose (@RastafariMoore4) October 18, 2020

Aguero ayaa waxaa quudiyay Bernando Silva, wuxuuna u muuqday mid kubad la garab maray daafaca dhexe laakiin Gabriel ayaa si cajiib ah u soo kabsaday isagoo jilbaha ku soo talaabsaday ka hor inta uusan ka horjoogsan Aguero inuu kubada u dhigo saaxiibkiisa oo dhalin lahaa, wuxuuna kubada u saaray koorno.

Waxay taasi ka mid ah waxyaabo badan uu qabtay xiddiga No.6 u xirta Arsenal kaasoo durbaba saldhigtay kooxda isagoo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga bisha September ee kooxda.

Taageerayaasha Gunners ayaa ku riyaaqaya qaab ciyaareedka xiddigooda cusub iyagoo aaminsan inuu xaliyay dhibaatadii daafac ee heysatay.

Gabriel Magalhaes is going under the radar. He’s hardly put a foot wrong in any games he’s played and always looks calm. Gives me so much more confidence in our defence just having him there.

— marco (@marco_gooner) October 18, 2020

Marco ayaa soo qoray: “Gabriel Magalhaes ma ahan mid raadaarka ku jira. Qalad ma uusan sameynin kulan kasta uu ciyaaray, mar walbana wuxuu u muuqdaa mid degan. Waxay i siineysaa inaan kalsooni badan ku qabo daafaceena madaama uu isagu joogo”

It’s time we start putting Gabriel Magalhães in the top 5 CB’s in the league debates.

— Oliver (@afcolivxr) October 13, 2020

Oliver ayaa isna soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii aan Gabriel Magalhaes ku soo dari laheyn dooda ku aadan shanta daafac dhexe ee ugu fiican horyaalka”

Gabriel Magalhaes again showing why he’s one of the best centre backs world football has to offer. Not surprised.

— Harry (@RunReissRun) October 17, 2020

Harry ayaa isna yiri: “Gabriel Magalhaes wuxuu mar kale soo bandhigayaa sababta uu uga mid yahay daafacyada dhex eee dunida ugu fiican. La yaab iguma ahan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More