Christian Pulisic Oo Ka Hadlay Sharafta Ay Leedahay In No.10

Christian Pulisic ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lambarka 10 oo uu xili ciyaareedkan u xidhan doono kooxdiisa Chelsea, kaas oo uu ka dhaxlay laacibka reer Brazil ee Willian oo u wareegay Arsenal.

Pulisic oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa xili ciyaareedkiisii u horreeyey waxa uu Chelsea u xidhnaa No.22, laakiin marka uu kasoo laabto dhaawaca uu ku maqan yahay, waxa kulankiisa koowaad ee xili ciyaareedkan uu kula bilaaban doonaa kooxdiisa isaga oo dhabarka ku sita No.10.

Laacibkan hore ee Borussia Dortmund oo Chelsea kusoo biiray xagaagii 2019, ayaa waxay dadka qaarkood barbar-dhig ku sameeyeen Eden Hazard oo isaguna waqtigaas u wareegay Real Madrid.

Warahysi uu siiyey CBS Sports ayaa waxa uu Pulisic sheegay inuu qiime weyn ugu fadhiyo in No.10 uu u xidho Blues, waxaanu yidhi: “Qiime badan ayay leedahay, shakina kuma jirin inuu ahaa lambarka aan jecelahay. Waa lambarka aan doonayay inaan xidho.

“Hadda waxa banneeyey Willian, waxaana halkaa kasoo baxday fursad. Waxa aan la hadlay kooxda, qof kastaana waxa uu dareemay inaan diyaar u ahay, aniguna waxaan dareemayay inaan diyaar u ahay, waana lambar aan jecelahay.”

Christian Pulisic waxa kale oo uu soo qaaday taariikhda uu leeyahay lambarkan iyo ciyaartoyda waaweyn ee soo xidhay, waxaanu yidhi: “Waxa aan fahamsan qiimaha uu leeyahay iyo waliba taariikhda uu leeyahay iyo tirada ciyaartoyda layaabka lahaa ee aniga hortay soo xidhay, laakiin waxa aan u arkaa inuu yahay lambarkaygii aan jeclaa, waana inaan si fiican ugu shaqeeyo.”

Mar la weydiiyey haddii uu dareemayo inuu culays yahay lambarkaa uu hadda xidhay ayaa waxa uu ku jawaabay: “Xulka qaranka ayaan in muddo ah usoo xidhnaa No.10, mana aha wax aan aad uga fikirayo marka haddii aan ciyaarayo. Dabcan, waxa aan doonayaa inaan bandhig fiican ku muujiyo, balse culaysku sababo kale ayuu ii saaran yahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More