Hakim Ziyech Oo Iska Soo Baxay Xerada Tababarka Xulka

Hakim Ziyech ayaa iskaga soo tegay xarunta tababarka xulka qaranka Morocco, waxaanu u duulay magaalada London si uu ugu diyaar-garoobo kulanka Chelsea ay kula ballansan tahay Southampton usbuuca dambe.

Ziyech oo dhaawac jilibka ahi kasoo gaadhay kulan saaxiibtinimo oo Blues ay la dheeshay Brighton & Hove Albion, ayaan wali nasiib u yeelanin inuu u safto Chelsea kulan Premier League ka tirsan, waxaanu ka qaday kulamadii Brighton, Liverpool, West Ham iyo Crystal Palace.

Laacibkan garabka weerarka ayaa muddo kaddib waxa lagu arkay garoomada Jimcihii oo uu xulka qaranka Morocco u saftay ciyaar saaxiibtinimo oo ay 3-1 kaga badiyeen Senegal, taas oo xilli dambe uu beddel kusoo galay isla markaana uu caawiyey gool.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warrantay Hakim Ziyech  ayaan qayb kasii ahaan doonin ciyaarraha caalamiga ah ee waddankiisa u qorshaysan, gaar ahaan ciyaarta magaalada Rabat ay ku martigelinayaan DR Congo Salaasada toddobaadkan.

Kaddib markii uu isku tijaabiyey ciyaartii Senegal ee ay u caddaatay inuu ciyaari karayo, waxa uu Hakim Ziyech  go’aansaday in aanu waqti iskaga sii luminin ciyaaraha caalamiga ah ee waliba saaxiibtinimada ah, taas beddelkeedana uu ku laabto London oo uu tababarka la qaato ciyaartoyda Chelsea ee aan dalalkooda looga yeedhin.

27 jirkan garabka weerarka ka ciyaara ayaa dhibaato la’aan ku dhamaystay ciyaartii Jimcaha, taas oo tababare Frank Lampard u ah farxad uu markii ugu horreysay ku ciyaarsiin karo saxeexan cusub ee uu kala soo wareegay Ajax Amsterdam.

Kulanka ugu horreeya ee horyaalka Premier League ee uu u ciyaari karayo Chelsea ayaa ah Southampton oo ugu imanaysa garoonka Old Trafford maalinta Sabtida ee October 17.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More