Carlo Ancelotti Oo Shalay Maxkamadda Lasoo Taagay, Kiis Culus Oo Uu

Carlo Ancelotti ayaa qirtay dembi ay u haysatay dawladda Spain oo ahaa in sannadkii 2014kii uu kala baxsaday lacag canshuur ah oo hal milyan oo Euro sare u dhaafaysay, laakiin waxa uu ku andacooday in talooyin liita la siiyey, taasina sabab u ahayd waxa dhacay, isagoo dhinaca  kalena ku dooday in aanu u badheedhin arrintan.

Tababaraha Real Madrid ayaa shalay oo Jimce ahayd hor yimid maxkamadda Madrid, waxaana wax laga weydiiyey kiiska loo haysto oo ahaa laba dembi oo uu ka galay sannadihii 2015 iyo 2014kii, kuwaas oo ahaa in uu labada jeerba kala baxsaday canshuuro ay ahayd inuu bixiyo.

Waaxda canshuuraha Spain ayaa sheegtay, in Carlo Ancelotti aanu bixinin lacag gaadhaysa 1,062,079 milyan oo Euro oo ku waajibtay in labadii sannadood ee uu maamulayay Real Madrid.

62 jirkan ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in aanu bixinin lacagtan intii uu joogay Real Madrid sannadihii 2014 & 2015, balse waxa uu ku dooday in talooyin qaldan ay siiyeen lataliyeyaashiisu waqtigaas, waxaana uu ogolaaday in uu hadda bixiyo lacagtaas lagu lahaa.

Waxa kale oo uu Ancelotti maxkamadda horteeda ka sheegay, in sannadkii 2015 uu kaliya waddankaas joogay 183 maalmood, laakiin sharciga Spain ayaa dhigaya in muddadaasi ku filan tahay in canshuur sannadeed buuxa loo xisaabiyo hantidii uu helay muddadaas.

Tababaraha Talyaaniga ayaa hore loogu daray liiska dad canshuuro kala baxsaday dawladda Spain, waxaana markii uu bil ka hor kusoo laabtay Madrid ee uu heshiiska u saxeexay Real Madrid, ay maxkamadda Madrid ku amartay kooxdaas in ay joojiso mushaharka Ancelotti illaa inta uu soo xidhmayo kiiskiisu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More