Arsene Wenger Oo Shaaciyey Qorsheyaal Waaweyn Oo Beddelaya Kubadda

Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday qorsheyaal waaweyn oo beddelaya kubadda cagta Adduunka oo uu hormood ka yahay kuwa hindisay, kaas oo qaab cusub u dhigi doona tartamada caalamiga ah ee  la ciyaaro.

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIIFA ayaa waxay waddaa daraasad nuxurkeedu yahay in kubadda cagta isbeddel loogu sameeyo, si ay taageereyaashu u helaan ciyaaro ay xiiseeyaan, sidoo kalena ciyaaryahannadu ay uga  soo muuqan karaan fagaareyaasha waaweyn waqtiyo badan.

Wenger oo hadda ah madaxa horumarinta iyo dibu-qaabaynta kubadda cagta caalamiga ah ee FIFA ayaa waxa uu bilihii ugu dambeeyey ka shaqaynayay sidii xiise loogu yeeli lahaa kubadda cagta, loona keeni lahaa tartamo intii hore ka badan.

FIFA ayay wadda qorshe uu Wenger ka dambeeyo oo ah in labadii sannadoodba hal mar la ciyaaro Koobka Adduunka, halka qaabka hadda loo ciyaaro uu yahay in afartii sannadoodba mar la qabto.

Wenger oo u warramay wargeyska Kicker ayaa yidhi: “Waxa mar walba jiray dareen ah in fasaxyada badan ee waqtiyada gaagaaban ah ay yihiin kuwo aanay ciyaartoydu jeclayn. Waxa kale oo jira xilliyo hubanti la’aan ah. Sida, sidee ayay ciyaartoydu dareemayaan maskax ahaan? Ma waxay kusoo laabanayaan dhaawac?

“Waxay sidani ku dhacday Robert Lewandowski oo ku dhaawacmay ciyaartii Poland iyo Andorra, taas oo Bayern Munich ka galaaftay Champions League. ”

Waxa uu Wenger sheegay in kulamada badan ee caalamiga ah lagu beddelo Koobka Adduunka oo la ciyaaro labadii sannadoodba mar, xilliyada kale ee kulamada caalamiga ahaa la dheeli lahaana ay noqdaan waqti isreeb-reeb loo galo koobka Adduunka.

“Waxa aanu damaanad qaadaynaa waqti nasasho kaddib tartanka Koobka Adduunka.” Ayuu yidhi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More