Arsenal Oo Heerka Labaad U Dhaadhicisay West Brom Xilli Ay Kusoo

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kusoo laabatay jidka guusha kaddib toddobaadyo madax xanuun ahaa oo laga soo reebay tartanka Europa League oo ay Villarreal kusoo karbaashtay iyo natiijooyin aan fiicnayn oo ay ka keenayeen horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa sare ugu soo dallacday kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League iyagoo guul 3-1 ah ka gaadhay West Brom oo ay u dhaadhiciyeen heerka labaad ee Championship.

Kulankan oo tababare Mikel Arteta uu isbeddello badan ku sameeyey safkiisa, kaydkana uu u diray ciyaartoydiisa waaweyn sida Aubameyang, Lacazette, Granit Xhaka oo dhaawac ahaa iyo laacibiin kale ayaa waxay soo hooyeen guul ay iskaga maydheen niyad-jabkii ugu dambeeyey.

Arsenal ayaa laba gool oo qurux badan heshay qaybtii hore, waxaana midka hore saxeexay laacibka da’da yar ee Smith Rowe oo lugta bidix ku toogtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Bukayo Saka, taas oo goolhaye Sam Johnstone uu joojin kari waayey.

Goolkan ayaa dhashay daqiiqaddii 29aad ee qaybta hore ee ciyaarta, waxaana iyagoo West Brom aan wali jaanta isla helin oo kasii niyad-jabsan goolka lagala hormaray ay haddana arkeen kubbad awood badan oo shabaqooda uu dhex dhigay Nicolas Pepe, kaas oo daqiiqaddii 35aad uu shabaqa ku hubsaday.

Kubbad uu Calum Chambers dhinaca difaaca kasoo kexeeyey ayaa waxa uu garabka midig ee xerada garaanaxa bannaankeeda uu ugu geeyey Nicolas Pepe oo isaguna hore ula soo dhaqaaqay, kaddibna lugta bidix inta uu ku sallaxday laad awood badan oo xeegaysan ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Sam Johnstone oo isagoo daawanaya ay kubaddu cidhifta shishe kasoo gashay shabaqa.

Arsenal ayaa heshay fursado kale oo ay goolal ku dhalin karaysay, sidoo kalena West Brom oo ay rajadooda Premier League ku xidhnayd kulankan ayaa dedaal badan sameeyey, waxayse qaybta hore kusoo dhamaatay 2-0.

Qaybtii labaad ayay West Brom dhalisay mid ka mid ah goolasha ugu qurux badnaa Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana weerar ay Arsenal ku qaadday West Brom ay kubaddu lugta u gashay onor Townsend oo si baqasho la’aan ah hore ugula dhaqaaqay uu u dhiibay Matheus Pereira oo aan wax badan ka fogeyn laynka garoonkiiisa, waxaana uu laacibkani u jiitay kubadda illaa goolka Arsenal iyadoo ay difaaca iyo dhexda Arsenal sii gelbinayeen ayaa uu gaadhay goolka uu waardiyaha ka yahay Bernd Leno oo uu goolka ku hubsaday.

Arsenal ayaa heshay gool saddexaad dhamaadkii ciyaarta, waxaana laad xor ah ugu dhaliyey xiddiga reer Brazil ee Willian.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Arsenal oo soo gashay kaalinta sagaalaad ee horyaalka Premier League.

West Bromwich Albion ayaa iyaguna u degay heerka labaad oo ay xilli ciyaareedka dambe ka dheeli doonaan, waxaanay noqdeen kooxdii labaad ee xilli ciyaareedkan ka dhacda horyaalka, iyagoo raacay Sheffield United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More