Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 11aad

Amina ooyinta waa lagu celin waayey Idil ayaa inta ay cunuga ka qaatay ku tiri waxba ha is ciilgaabin saacado uun ayaa kaaga harsan in aad magacaaga nadiifiso iminkaana Sadiiq ayaan wacayaa.

Idil markii wiilkii ayaa ay qolkii ciyaalka geysay Sadiiqna telefoon u dirtay oo ay u sheegtay in wiil loo dhalay oo xaalada Amina & wiilkaba ay ok tahay

Sadiiq markiiba baaburkiisa ayaa uu ku yimid inta uusan u gelin Amina ayaa uu abaaray qolkii ciyaalka dhashay lagu haayo magaca hooyada ayaa uu sheegay markiina qolka ayaa loo ogolaaday iyo inuu cunugiisa arko inta uu gacmahiisa ku qabtay ayaa uu dhunkatay oo uu yiri

“” waxaan rajeynayaa in aad wiilkeyga noqoto saacado kadibna taa waa ay kala cadaan doontaa””

Sadiiq marnaba ma qabo in Amina xaalkaan ay wax ka ogtahay markiina Amina ayaa u soo galay oo jiifta inta uu madaxa ka dhuntay ayaa uu yiri

 

Sadiiq:

Side ayaad dareemeysaa Macaanto

 

Amina Sahra:

Culeys badan oo aan siday ayaan moodaa in aan dhigay

 

Sadiiq:

Waa runtaa hooyo kasta oo manta oo kale ayaa ay fudeyd darentaa

Markiiba waxaa soo gashay Idil oo ku tiri

 

Idil:

Wax walba waa diyaar Sadiiq ka waran haddii aad I soo raacdo

Sadiiq isaga oo aan waxba fahmin ayaa uu iska raacay waxa uuna isa tusiyey in waraaqo saxiixid uun looga baahan yahay markiiba in ciridka laga duraayo ayaa loo sheegay sababta markii uu weydiiyey waxaa loo sheegay in Xaaskiisa ay codsaday in DNA test lagu sameeyo wiilka dhashay iyo isaga yaab ayaa ka soo haray in kastoo ay tahay arrin uu rabay inuu sameeyo hadana marnaba isma dhaheynin Amina ayaa tani codasaneyso markii la soo fasaxay ayaa isaga oo madaxa hoos geynayo ayaa u soo galay Amina Sahra iyada oo garatay ayay ku tirir

 

Amina Sahra:

Haye Sadiiq sow ok maaha xaalka

 

Sadiiq:

Haa xabiibti laakiin adiga wax walba miyaad la socotay

 

Amina Sahra:

Haa in mudaa waan la socday tallaabta aan manta qaatayna waa mid aad adigaba hore u go’aansatay

Sadiiq markiiba inta uu u soo dhawaaday ayaa uu yiri

 

Sadiiq:

Waan ka xumahay wixii dhacay waana ka shalaaynayaa

 

 

Amina Sahra:

Waxba hada ha shalaayin malaha shalaayda waa ay dambeysaa waxayna ila tahay in aan weli xagaaga ka ahay marwadii xumeyd laakiin jawaabta ayaan ku kala baxeynaa

Sadiiq:

Sidaa maaha xabibti wax walba ok ayaa ay mar kale ahaanayaan waxba ha is murjin

 

 

Amina Sahra:

Murug horaan u maray bal aan u kaadino jawaabtana aan wada sugno beri ayaan mar kale hadli doonaa inshah.

Amina hadalkii ayaa ay soo afjartay Sadiiq markii dambe shaqadiisa ayaa uu ku noqday una sheegay in galabta uu imaan doono ileyn isbitaalka cidna looma ogoleyn oo aan bukaanka aheyn Amina qof is hubta ayaa ay aheyd waana dharareysay in dhagaha Sadiiq ay ku dhacaan jawaabta DNA ka imaan doonto.

Waa subixii xigay sida caadada 8:00 subaxnimo in bukaanka la soo booqdo waa loo ogol yahay waxaana Amina soo booqday asxaabteeda oo dhan iyada oo weli farxadaas iyo hambalyeyntaas ku jirta ayaa loo sheegay in looga baahan yahay qolka dhaqtarka oo uu xilligaas diyaar ku ahaa Sadiiq lana dooneyey in jawaabta la bixiyo Amina markiiba asxaabteeda ayaa ay macasalaameysay waxaana la saaray gaariga lagu riixo dadka cuuryaanka maadaama socod badan aan loo ogoleyn.

Markii qolka la sii geliyey ayaa Sadiiq oo fadhiyey u istaagay oo gaariga ku kaalmeeyey kalkaaliyihi riixayey markii qolka ay iyaga kaliya & dhaqtarka uun ku noqday ayaa warqadii la furay oo uu dhaqtarkii aqriyey waxaana Sadiiq loo sheegay haddii uu yahay midka shakiga qabay in wiilka dhashay oo ay dhashay Amina Sahra uu wiilkiisa yahay waliba in la hubo 100% ayaa loo sheegay.

Sadiiq inta uu hoos fiiriyey ayaa uu ilmeeyey Amina waxa ay dhaqtarka ka codsaday in qolkeeda la geeyey markiiba jaraskii ayaa uu dhaqtarka taabtay waxaana qolka soo galay nin kalkaaliye waxaana loo sheegay in qolkeeda la geeyo bukaanka.

Amina meeshii ayaa ay kaga timid Sadiiq markii qolkeedana la keenay farxada ayaa ay la ooysay saaxiibteed Idil oo goobta ku sugeysay ayaa ku tiri.

 

Idil:

Aamus saaxiibey waad guuleysatay

 

Amina Sahra:

Illinta iga socota ayaaba farxad ah saxiibey

Markiiba waxaa soo galay Sadiiq oo soo ooyin bogay Idil markiiba qolka ayaa ay u firaaqeysay Sadiiq ayaana hadalkii furay.

 

Sadiiq:

Amina aniga dembi weyn ayaan kaa galay

 

Amina Sahra:

In aan ciil ku noolaado ayaad i batay

 

Sadiiq:

Waa runtaa laakiin saamaxaad ayaan dalabanayaa

 

Amina Sahra:

Aniga diyaar uma ihi in aad mowducaan halkaan ku galo koley beri ayaan isbitaalka ka baxayaa markaas ayaan hadli doonaa inshah allah.

 

Sadiiq:

Koley beri ayaan fasax helayaa manta in aan shaqada tago ayaa la iiga rabaa beri ayaan waqti badan kula qaadan doonaa oo aniga ayaa isbitaalka kaa saarayo.

 

Amina Sahra:

Inshah allah

Sadiiq inta uu dhunkatay ayaa uu baxay Amina qof go’aankeeda meel u yaalay ayaa ay aheyd marnaba ma dooneynin in ay hadal dambe isugu yimaadaan.

 

Ka hor intaan la gaarin maalintii loogu talagalay in isbitaalka ka baxdo ayaa ay wax walba diyaarsaday waayo qorshaha Amina ma aheyn mid sahlan wacadkii ay ku martay in Sadiiq uu wax badan shalaayi doono ayey dooneysay in ay ka dhabeyso waxa uuna qorshaheeda ahaa in ay gebi ahaan uu iyada waayo mar kaliya wax walba oo qorsaheeda ah waxaa ku caawineysay saaxiibteed Idil.

Subaxii xigtay waqti hore ayaa ay isbitaalka ka baxday waxayna iyada iyo Idil bilaabeen qorshahoodii kaas oo ahaa in ay dalka ka baxdo Amina waxaa isla waqtigii ay ku xerooday garoonka diyaaradaha ee Heattraw Airport waxayna ka mid aheyd rakaabkii subaxaas ku socday  Scotland inkastoo Amina ay mar kasta rabtay in ay ka fogaado Sadiiq hadana qorshaha lagu tagayo magaalada Glascow waxaa laheyd Idil oo gabar ay ilmo adeero yihiin ay deganeyd Amina marnaba talagalkeeda ma aheyn in ay halkaas ku sii joogto in ay mudo ku sii nasato uun ayaa ay rabtay waxaana qorshaheeda ahaa in ay wadan 3aad ku noolaato.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More