Waxaa qoray Faisal AliAxad, Agoosto 2, 2026
Dagaal cusub oo ka qarxay galbeedka Tigray ayaa dharbaaxadii ugu cuslayd ilaa hadda ku dhuftay heshiiskii nabadeed ee jilicsanaa ee saddex sano ka hor soo afjaray dagaalkii ba’naa ee waqooyiga Itoobiya.
Dowlad-deegaanka Tigray ayaa bayaan ay ka soo saartay caasimadda Mekelle ku sheegtay in ciidamada federaalku ay weerar qaadeen waaberigii Sabtida, iyagoo ka soo dhaqaaqay Shererina, oo u dhow xadka Suudaan.
Abraham Belay, oo ah wasiir ka tirsan dowladda isla markaana hoggaaminayay maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee Tigray intii uu dagaalku socday, ayaa xaqiijiyay inay isku dhacyo dhaceen, balse wuxuu sheegay inay bilaabeen ciidamo daacad u ah guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), Debretsion Gebremichael.
“Dagaal nagu filan! Aan khilaafaadkeenna ku xallinno wada-hadal,” ayuu ku qoray qoraal uu soo dhigay Facebook.
Rabshadahan ayaa daba socda bilo uu sii xumaanayay xiriirka Addis Ababa iyo TPLF, oo ah xisbigii Itoobiya maamulayay ku dhowaad 30 sano ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xilka la wareegin sannadkii 2018.
Dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta Tigray ayaa marar badan isku eedeeyay inay ku guuldarreysteen fulinta qodobbada heshiiskii nabadeed ee 2022.
Maamulka gobolka Tigray ayaa sheegay in xisbiga talada haya ee Itoobiya, Prosperity Party, uu gobolka ku hayay go’doomin dheer iyo olole weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, isla markaana cadaadiskaasi uu hadda isu beddelay dagaal buuxa.
Waxay ugu baaqday ciidamada Tigray, ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha diinta inay isu diyaariyaan waxa ay ku tilmaantay halgan lagu badbaadinayo jiritaanka qaranka, iyadoo qaadatay hal-ku-dhegga “Maya Burburinta Qaranka”.
Getachew Reda, oo hore u ahaa afhayeenka TPLF, haddana la-taliye u ah Abiy, ayaa baaq gaar ah u diray taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Tigray, isagoo ugu baaqay inay ka goostaan Debretsion. Reda ayaa hoggaamiyaha TPLF ku eedeeyay inuu ku tiirsan yahay Eritrea iyo maleeshiyaadka Fano ee Amxaarada si uu dib ugu soo ceshado awoodda.
Reda iyo Redwan Hussein, madaxa sirdoonka Itoobiya, ayaa sannadkii 2022 heshiiskii Pretoria u kala saxiixay TPLF iyo dowladda federaalka. Maqaal ra’yiyeed wadajir ah oo Al Jazeera ay daabacday bishii Juun, waxay uga digeen in dagaal kale uu soo dhow yahay.
Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir ku takhasusay Itoobiya kana tirsan Oslo New University College, ayaa Al Jazeera u sheegay in isku dhacyadani yihiin “dhacdadii ugu halista badnayd” tan iyo heshiiskii 2022. Heshiisku wuxuu joojiyay dagaalkii labada dhinac, ayuu yiri Tronvoll, balse ma uusan xallin “sababaha asaasiga ah ee khilaafka u dhexeeya Mekelle iyo Addis”.
Maalmihii ka horreeyay isku dhacyada, warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa wadday olole ay magaca Debretsion ku xustay, kuna eedeysay inuu dadka Tigray u abaabulayo dagaal.
Rabshadaha dib u soo cusboonaaday ayaa yimid kaddib bilo ay sii xoogeysanayeen xiisadaha tan iyo markii Heshiiskii Pretoria la saxiixay bishii Nofeembar 2022. Heshiiskaasi wuxuu soo afjaray colaad bilaabatay laba sano ka hor oo galaafatay nolosha boqollaal kun oo qof, balse wuxuu xal la’aan ka tagay khilaafyo muhiim ah oo ku saabsan hub ka dhigista iyo xaaladda sharci ee TPLF.
Bishii Juun, Mareykanka ayaa xayiraado fiiso ku soo rogay dad uu ku tilmaamay “garabka mayalka adag” ee TPLF, isagoo ku eedeeyay inay carqaladeynayaan geeddi-socodka nabadda. TPLF ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay ka tarjumeyso faham “aan dhammaystirnayn oo aan dheellitirnayn” oo laga haysto ismari-waaga.
Bartamihii bishii Luulyo, TPLF waxay ku dhawaaqday in heshiiskii Pretoria uu “dhab ahaantii dhintay”. Bayaanka ayaa soo baxay xilli Safiirka Mareykanka Ervin Massinga uu booqday Mekelle, isagoo isku dayayay in heshiiska la sii badbaadiyo.
Faisal Roble, oo ah falanqeeye arrimaha gobolka, ayaa Al Jazeera u sheegay in dagaalka qarxay uu muujinayo inay fashilmeen dadaalladii Mareykanku hoggaaminayay ee lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka.
“Haddii aysan dhicin faragelin caalami ah oo xooggan,” ayuu yiri, “waxaa laga yaabaa inaan ku sii jeedno dagaal aad uga ballaaran.”







