Isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo Turkiga ku

Sida ay tabisay warbaahinta Turkiga, isku dhac ayaa dhexmaray Labo oo Ciidan oo Soomaali iyo Turki ah kuna ku tababaranayay Xero Ciidan oo ku taalla Gudaha Dalkaas, kadib markii ay isku dhaceen. Inta la xaqiijiyay waxaa dhimatay 25-ruux oo labada dhinac ah, kadib markii waxyeelo halis ah kasoo gaartay waxyaabaha ay isu adeegsadeen inta uu socday dagaalkooda sida ay tabisay Warbaahinta. Dhaawaca lama soo sheegin inta uu gaasiisan yahay waxaase jira shaqsiyaad dhaawacyo halis ah…

QM oo walaac ka muujisay Xuquuqul Insaanka Soomaaliya & DFS

Isha Dyfan oo katirsan Baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay u hoggaansamidda xeerarka xuquuqul insaanka Soomaaliya, waqi dalka ay kusoo wajahan tahay doorashada 20/21. Waxa ay sheegtay in khubaro madax bannaan ay la wadaageen xaaladda xuquuqda aadanaha oo aan gaarsiiseen darjo sare oo ah meesha loo baahan yahay in la geeyo heerka xuquuqul insaanka Soomaaliya. Isha Dyfan ayaa xilkaan loo magacaabay Bishii Maarso, kadib markii dunida uu isaga kala…

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle oo Ciidan dheeraad ah u dalbay

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo la hadlay VOA ayaa faah-faahiyay howlgalada lagu adkeynayo amniga deegaannada maamulkaas gaar ahaan Magaalada Jowhar. Wasiir Khayre ayaa sheegay in Bulsho ka badan kuwa haatan kunool Magaalada Jowhar ay tageyso marka ay bilaabato doorashada, arrintaasina ay sababi karto culeys dhanka amniga haddii aan laga sii feejignaan. Waxa uu dalbaday in la geeyo Ciidamo dheeraad ah oo ka qaybgala sugidda amniga Magaalada…

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxdii ka qaybgashay

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Jubba Caasimadda Koofurta Suudaan kula kulmay madax kala duwan oo goobjoog ka ahayd heshiiska nabadda Suudaan. Hogaamiyayaasha uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wafdi ka socday Dowladda Qadar, Hogaamiyaha Jaad, Koofurta Suudaan oo martigelisay gogosha iyo Suudaan. Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah xoojinta heshiiska dhexmaray dhinacyadaan…

Jowhar oo lagu xiray dad lagu tuhmay amni darrada

Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle oo maalmihii dambe ammaankeeda laga deerinayay waxa ay Ciidamada amniga ka joogteen baaristaannada xaafadaha kala duwan ee Magaaladaas. Howlgal qaatay saacado oo ka dhacay Xaafadaha Magaalada jowhar waxaa lagu xiray dad lagu tuhmayo amni darrada xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo dhanka kale magaalo madax u ah Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha ammaanka ayaa Axadle u sheegay in dadka lasoo qabtay ay marayaan baarista hubinta, qofkii…

Madaxweyne Farmaajo oo Jubba u tagay heshiiska Suudaan. –

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda oo ka safray Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jubba Caasimadda Koofurta Suudaan, kadib markii lagu casuumay ka qaybgalka shir halkaas ka dhacaya. Kulanka ayaa ku saabsan heshiis nabadeed oo u dhaxeeya Dalka Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee ku Galbeedka iyo Koofurta Dalka Suudaan sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo waxa uu kamid yahay Madax kooban oo Afrikaan ah oo lagu martigeliyay…

Burcad badeedda Soomaalida oo 5-sano ku afduubatay

Muddo shan sano ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida waxaa gacantooda galay dad gaaraya 3600 ruux oo la socday maraakiib kala duwan oo qaarkood waday Kunteenaro ganacsi, Kalluumeysi, Doomaha dabayl ku socodka ah ee (Dhows) & Booyado Shidaal. Dhammaan nuucdaan waa Maraakiibta & Doomaha ay qafaalatay Burcadda Soomaalida sida uu xaqiijiyay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha oo la socotay howshaan muddada shanta sano ah ee afduubka uu dhacayay. Saddex kamid ah Doomaha ka…

Baarlamaanka Galmudug oo maanta Saxaafadda loo fasaxayo

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta fadhi xasaasi ah ka leh fasaxyada Xildhibaannada iyo kaararka aqoonsiga ayaa loo fasaxayaa saxaafadda in ay gudaha u gasho xarunta. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uu ka dhashay maqnaashiyaha Xildhibaannada iyo guddoonka, dabagalka mudanayaasha oo aan jirin & howlaha shaqo ee horyaalla oo aad u badan. Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa dalbaday in Warbaahinta loo ogolaado in ay duubato oo ay…

Roobe: Ra’isalwasaarihii 6aad ee  siyaasadda ka billaabay

Engineer Maxamed Xuseen Rooble, Ra'isalwasaaraha 20aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Engineer Maxamed Xuseen Rooble Waa ra’isalwasaarihii 6aad ee  siyaasadda ka billaabay xilka Wasiirka koowaad, sida uu ku qoray Dokumentigii uu ku codsaday xilka Ra’isalwasaaraha waa 57 jir wax ku bartay Dalalka Soomaaliya & Sweden, derajooyinka 1aad & 2aad ee jaamacadda waxa uu ku sameeyey Handasda deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu la shaqeeyey dhowr…

RW Rooble oo gaba-gabeeyay wadatashiga magacaabista

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo wadatashiyo maalmihii lasoo dhaafay ka sameynayay magacaabista Xukuumadda laga sugayo ayaa soo gaba-gabeeyay kulamadaas talo gelinta ah. Sida ilo xog ogaal ah Axadle ay u xaqiijiyiin Rooble ayaa ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada 48-ta saac ee soo socota si uu u horgeeyo Baarlamaanka Federaalka oo kalsoonida shaqada xukuumadda gacanta ku haya. Rooble ayaa qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumaddii Xasan Cali Khayre kusoo daraya…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More