Cabashada Mucaaradka & Cagajiidka Doorashada 20/21! –

Bilihii September & October 2020 waa markii dhinac loo riday doorashada dalka 20/21, kadib muddo dheer oo muran iyo jaho wareer uu hareeyay nuuca doorasho, waqtiga ay dhaceyso & isla jaanqaadka DFS & DG. Doorashadu waxa ay dhadhan yeelatay markii loo gudbiyay Labada Gole ee BFS 26-Kii September 2020 oo waxaa u codeeyay heshiiska Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada 252-mudane oo katirsan labada Aqalka Baarlamaanka. 1-dii October 2020, Hogaamiyayaasha heer…

Laamaha ammaanka Gobolka Bari oo baaraya koox dil ka

Ciidamada ammaanka & waaxda dabagalka dambiyada ayaa Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ka bilaabay baarista kiis dacweed la xiriira labo ruux oo dhalinyaro oo xalay lagu dilay Magaaladaas. “Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Mindi, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyarada labo xaafadood oo katirsan Magaalada Boosaaso, waa ay baxsadeen balse baaris ayaa socota” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Boosaaso. Laamaha ammaanka ayaa…

Itoobiya oo Soomaaliya ka saartay Askar ka joogta si ay ugu

Sida ay daabacday qaar kamid ah Warbaahinta kala duwan. Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Soomaaliya ka daadgureysay kumanaan askari oo aan ku jirin howlgalka Ururka Midowga Afrika. Ujeedka waa xoojinta dagaalka gudaha dalkeeda ka socda gaar ahaan Gobolka ismaamulka Tigray oo isku dhac dhexmaray Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulkaas galay maalintii 11-aad. Tiro sugan lagama hayo ciidamadaan ka baxay Soomaaliya ee Itoobiyaan ah, waxaana xooggooda ay ka baxeen Deegaanno ka…

“Howlgalka lagu sugayo ammaanka Marka waxa uu ka socdaa

Maamulka Degmada Marka oo faah-faahiyay howlgal amni sugid ah oo ka dhacay deegaannada duleedka ah Magaaladaas ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose. Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu xaqiijin karo xasiloonida Magaalada Marka ay tahay sidii loo joogteyn lahaa howlgalada ka socda deegaannada duleedka ah. “Shaqada amni sugidda waxa ay ka socotaa Buulo naag ilaa aay buutey, sidoo kale waxa…

Dalalka kujira AMISOM oo walaac ka muujiyay hub la tuhunsan

Kulan ay yeesheen Wasiiro katirsan waddamada Ciidamada AMISOM ugu haboohay Soomaaliya waxa ay uga hadleen xaaladda ammaan ee Soomaaliya, warbixinta Qaramada Midoobay & walaaca la xiriira dhaqaalaha & hubka ay heshay Al-Shabaab. Shabakadda Wararka Taarifa ee dalka Rwanda oo daabacay xogta sheekadaan ayaa sheegay in kulankaan uu daba-socday fadhiga Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ee Khamiistii oo warbixin kasoo saaray xaaladda Shabaab. Kulanka Wasiirada Difaaca…

Golaha Ammaanka oo soo jeediyay wax ka qabashada qaraxyada

Golaha Ammaanka QM Fadhigii ugu dambeeyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo kahortagga waxlaha laga sameeyo ama loo adeegsado qaraxyada ee loo iib geeyo Soomaaliya. Golaha ammaanka ayaa u codeeyay khamiistii in laga hortago iibinta walxahaas lagu farsameeyo qaraxyada oo halis ku ah dadka, isla markaana Khatar weyn gelin karta nolosha dad badan oo haatan caafimaad qaba. Si gaar ah warbixinta kasoo baxday kulanka Golaha ammaanka waxaa…

Iiraan oo Biyaha u dhaxeeya Yemen & Soomaaliya si joogta ah

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iiraan, kadib markii si sharci darro ah ay u gashay biyaha waddankooda, sidaas awgeed gacanta loogu dhigay. Sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga Yemen Fahad Kafaayin, waxa uu tilmaamay in Doomaha kalluumeysiga Iiraan dhibaato xooggan ay ka geystaan Biyaha dalkooda oo marar kala duwan Kalluumeysi sharci darro ah ka sameeyeen. Wasiir Kafaayin ayaa tilmaamay in doonta lagu qabtay Xeebta…

IOM oo sheegtay in ku dhawaad 80-ruux ay ku dhinteen Xeebaha

War kasoo baxay hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee IOM ayaa lagu sheegay in ay dhinteen ugu 74-Tahriibe oo ka baxay dalka Liibiya, iyaga oo aan ka gudbin biyaha dalkaas. Hay’adda ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka u qaabilsan ee jooga Gudaha Liibiya ay soo badbaadiyeen 47-ruux oo kale lana dhigay goobo lagu hubinayo Xaaladdooda sida warka lagu yiri. IOM ayaa tilmaamtay in ay kordheen dadka isku dayaya tahriibka ee ka baxaya Xeebaha Liibiya, kuwaas oo halis…

Hogaamiye Farmaajo oo sheegay in dalka uu galay doorashada

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay howlaha geedi socodka dalka ayaa dib ugu laabtay shirarkii & wada-xaajoodkii siyaasadeed ee lagu jaangooyay doorashada Dalka 20/21. Hogaamiye Farmaajo ayaa bogaadiyay doorka labada aqal BFS uu ka qaatay meel-marinta heshiis siyaasadeedka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo 26-kii September 2020 codka kalsoonida ku taageeray. “Heshiiskan la saxiixay waxa uu caddeyn buuxda u yahay sida ay…

Yuusuf Dabageed oo loo doortay Hogaamiye ku xigeenka DG

Waxaa soo idlaatay doorashada Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo ay u tartameen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo horay ula soo shaqeeyay Maamulkii Maxamed Cabdi Waare. Sida lasii saadaalinayay waa uu ku guuleystay Xilka Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle kadib markii uu helay 87-Cod, halka musharax Maxamed Dheere uu hantiyay 12-cod, isugu geyn waa 99-xildhibaan, mana jirin cod halaabay. Yuusuf Dabageed oo hadal jeediyay…