Mareykanka dib u xusuusanayo 27-sano kahor Askar looga dilay

Mareykanka waxaa Soomaaliya Looga dilay Askar katirsaneed howlgalkii Qaramada Midoobay ee Rajo soo celinta, waxaana ka qaybgalay Dowlado dhowr ah oo ay shukaanta u heysay Xukuumadda Washington sanadkii 1993-dii. 3-dii Oktoobar sanadkii 1993-dii maanta oo kale waxa uu isku dhac dhexmaray Ciidamadii Mareykanka ahaa Taageerayaashii Janaraal Maxamed Faarax Caydiid oo la sheegay in xiligaas ay ku kulansanayeen Suuqa Bakaaraha. Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Maraykanka oo…

Maydka qof la dilay oo saakay lagu arkay Degmada Howlwadaag.

Xaafadda Salaama oo dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Balaagsii Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga dheer ee Soddonka waxaa saakay lagu arkay maydka qof la dilay. Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa tagay halka lagu dilay Ninkaan oo ah dhanka dhinaca laamiga ay ka maraan Gawaarida kasoo tagta Baar Ubax ee aadda dhanka Balaagsii (Black Sea). Baakado ayay dul saareen, Ciidamada Booliiska ayaa xiray waddooyinka u dhaw halka Maydka lagu arkay, waxaana…

Deni oo Bil kadib ka safray Muqdisho, muxuu yahay ujeedka

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Muqdisho soo gaaray 1-dii Bishii September ayaa maanta bil kadib ka safray Caasimadda dalka, si uu u guda galo safar gaar u ah oo uu ku aaday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya. Deni ma uusan sii dhaafin in uu socdaalkiisa gaar yahay, sidoo kale ma shaacin muddada uu qaadanayo iyo cidda wehlisa, balse kaliya waxa uu tilmaamay in uu gaarayo Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. “Waxa aan maanta safar gaar ah ugu baxayaa…

DFS oo sheegtay in ay dishay Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab

Taliyaha Ururka 143-aad ee CXD Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaasad oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeelaha Hoose lagu dilay sarkaal Al-Shabaab muhiim u ahaa. Dhamme Axmed Xasan ayaa sheegay in sarkaalka la dilay & Ilaalo la socotay ay ku sugnaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana Ciidanka fuliyay weerarka ay heleen xogtiisa. Sarkaalkaan la dilay waxa uu taliska Militariga Soomaaliya ku…

Xabsiyada Sacuudiga oo lagu dhibaateeyo Tarxiil sugayaal

Sacuudiga waxaa si joogta ah looga soo tarxiili jiray Tahriibayaal Afrikaan ah oo dalkaas ku galay qaab sharci darro ah, uguna shaqeysta, waxaana dabajooga Ciidamada ammaanka oo xarig iyo Tarxiil isugu dara marka ay qabtaan. Dhalashada dadkaan waa Soomaali, Itoobiyaan, Eretariyaan iyo Yemeniyiin, inkasta oo ay jiraan shaqsiyaad kooban oo kasoo jeeda dalal ay kamid tahay Nigeria oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga. Xayiraadda duullimaadyada iyo kala fogeynta dadka sabab ka…

Trump & Marwadiisa oo laga helay Covid-19! – AxadleTM

Mareykanka Mareykanka Donald Trump iyo Marwadiisa Melanie Trump oo saacadihii lasoo dhaafay la sheegay in ay karaantiil galeen kadib markii qof la socday uu ku dhacay Coronavirus ayaa ugu dambeyn la shaaciyay in uu haleelay Fayruska. Trump iyo Melanie ayaa galay xaalad karaantiil 14-Cishe ah, iyaga oo qaadanaya dawooyinka gaarka ah ee kaalmaatiga u ah dadka uu ku dhacay xannuunka Coronavirus si gaar ah waxaa ula soconaya dhaqaatiirta u goonida ah. Waxa ay kasoo laabteen dooddii…

Maxaa lagaaga baahan yahay haddii aad rabto in aad kamid

Wajiga labaad ee wadahadalka Doorashada Dalka oo heshiiskii koowaad labada Aqal ee BFS maray dhawaan ayaa lasoo gaba-gabeeyay, waxaana Hogaamiyayaasha heer Federaal iyo Heer DG horyaallay shuruudo culus. Qodobada heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah Guddiga howsha doorashada wadaya, maadaama madax Goboleedyadu ay soo jeediyeen in la sameeyo xubno isku dhaf ah oo DFS & DG wakiilo ka kala ah oo howsha wada. Xubnaha Guddiga ayaa la go’aamiyay in loo madax baneeyo howsha la…

Maxaa shuruud ah oo laga doonayaa Ergada, Musharaxa

Sida ku cad qodobka 14-aad ee heshiiska Madaxdweyne Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada hoostaga DFS, waxaa shuruudo la hordhigay Musharaxa Xildhibaanka Aqalka Shacabka & Senatarka Aqalka Sare BFS. Hogaamiyayaasha heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa ku heshiiyay qodobo waqti dheer ay dood ka yeesheen, isla markaana inta shirka uu socday mas’uulba mar uu laga diiwaangeliyay aragtidiisa oo ugu dambeyn laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen. Shuruudaha…

Ciidanka Haramcad oo howlgal kusoo qabtay xubno katirsan

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad oo Saldhig ku leh Magaalada Dhuusamareeb ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud sida saraakiisha Ciidanku sheegeen. Howlgalka waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa, Ciidanka Haramcad ayaa gacanta kusoo dhigay xubno katirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkooda. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka u tababaran Cabdixamiid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More