Diyaargarowga Aaska AUN Galayr oo Muqdisho ka socda. –

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban-qaabada aas loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo shalay ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida. Xubno guddi ah oo Dowladda Federaalka u xilsaartay aaska loo sameynayo AUN Cali Khaliif Galayr ayaa wada qorshaha soo qaadista maydka Marxuumka oo yaalla Jigjiga si loo keeno Muqdisho looguna aaso. Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay in AUN Cali Khaliif la geenayo…

Soomaaliya & Cuba oo beeniyay in lasii daayay Dhaqaatiir

Warar kasoo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa lagu beeniyay in lasii daayay dhaqaatiir Al-Shabaab kasoo afduubatay Ismaamulka Mandheera muddo haatan laga joogo sanad & Bar. Warkaan ayaa daba-socday, kadib markii Sarkaal katirsan Sirdoonka Soomaaliya oo qariyay magaciisa iyo darajadiisa uu Wakaaladda Wararka AP la hadlay lana wadaagay macluumaadka sii deyntaas. Wasiiradaha Arrimaha dibadda Soomaaliya & Cuba ayaa wadajir u sheegay in aysan sii deyntaas, balse…

10-sano oo maanta laga joogo markii AMISOM Muqdisho gacanta

7-dii Oktoobar 2010-kii maanta oo kale, Magaalada Muqdisho waxaa ka bilawday howlgalo wadajir ay u sameeyeen Ciidamada Dowladdii KMG ahayd iyo Askarta Midowga Afrika gaar ahaan Uganda iyo Burundi. Caasimadda waxaa saarnaa culeys militari, Askarta Dowladda & Kuwa AMISOM ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn Xarumaha muhiimka sida Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho. AMISOM waxaa Soomaaliya xiligaas ka joogtay askar dhan 7,200 oo ciidan Militari ah oo ka kala…

Al-Shabaab oo weerartay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Wajeer, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Si gaar ah weerarka waxa uu uga dhacay deegaanka lagu magacaabo 50 (Konton) Degmada Qorof Xaraar, saldhig ciidan waxaa ku leh Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Kenya oo la socda dhaq-dhaqaaqa deegaankaas. Dadka deegaanka ayaa maqlayay israaseynta Ciidamada Dowladda Kenya iyo Al-Shabaab,…

Qoor-Qoor oo Wasiiradiisa kala hadlay Sugidda Amniga kahor

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sugidda amniga la qaatay Wasiiradiisa, maadaama labo magaalo oo kamid ah maamulkaas lagu qabanayo doorashada kuraasta Golayaasha shacabka & Aqalka BFS. Qoor-Qoor ayaa u bandhigay Wasiiradiisa qorshaha sugidda amniga, martigelinta Ergo beeleedyada kuraasta Xildhibaannada dooraneysa, Musharixiinta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la xiriira Doorashada 20/21. Wasiirada qabanaya howlaha…

Wasiir Caadle oo Qabyo ku tilmaamay Guddiga Dhismaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha hoose ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddiga Dhismaha Baarlamaanka labaad ee maamulkaas. Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii guddigu uu soo saaray habraaca jadwalka xareynta Ergada, xulista Baarlamaanka, diyaarinta, dhaarinta ilaa fadhigooda ugu horeeyo waqtiga ay yeelanayaan. Wasiir Caadle ayaa sheegay in Guddigu uu qabyo…

Kenya oo walwal ka muujisay Weerarada Al-Shabaab ee Basaska

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkii labaad oo lagu qaaday Gaari bas ah uu ka dhacay Gudaha Dalkaas gaar ahaan deegaannada dhulka Soomaalida ee Kenya maamusho. Dhacdadii ugu dambeysay waa weerar lagu qaaday bas mararay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Kotulo, kadib markii koox hubeysan oo loo maleynayo in ay katirsan yihiin A-Shabaab weerartay bas ka yimid Magaalada Nairobi. Inta la xaqiijiyay waxaa dhaawac soo gaaray 8-ruux oo qaarkood…

DFS oo sheegtay in ay burburisay Gaari Qarax waday & Miino

Ciidamada Miliatirga DFS ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay wadada u dhaxeysa Balcad & Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii gaari dad rayid ah ay la socdeen uu dulmaray miino ku qaraxday. Dadka deegaanka & saraakiil ciidan ayaa Axadle u sheegay in askarta Dowladda Federaalka ay xirtay qaar kamid ah waddooyinka duleedka ka ah Magaalada Balcad inta uu socday howlgalka miino baarista ah oo waxa ay joojiyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka dadka beeraleyda…

Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi oo u codeeyay Xeerka

Fadhi maanta Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi ku yeeshay Magaalada Hargeysa waxa uu u codeeyay Xeer guud ee Doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaasha oo muran ka taagnaa. Xubno katirsan Aqalka Guurtida ayaa dood ka keenay Xeerka Doorashada, balse Guddoonka ayaa ka dalbaday in si duuduub ah loo ansixiyo, maadaama nidaamkaan uu hage u yahay doorashada. 53-Xildhibaan oo fadhiga joogtay waxaa codka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi & Cod-bixiyaasha siiyay 49-kamid ah…

Sidee ayay u socotaa howsha lagu dhaqangelinayo Jadwalka

Dhaq-dhaqaaq iyo diyaargarow sidaas u weyn kama socda magaalooyinka maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo xarun u ah DFS, si loo magacaabo xubnaha Guddiga farsamo ee Doorashada 20/21. 1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Farsamo oo labada dhinac ah si uu u dhaqangelinayo Jadwalka doorashada 20/21 lagu hagayo. Magacaabista Guddiga ayaa ku taariikheysan inta u dhaxeyso 10-ka bishaan oo ku beegan Sabtida bilawga…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More