Mareykanka oo ku baaqay in wada-xaajood siyaasadeed laga

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in aan laga maarmin wada hadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka ka dashay Guddiga Doorashada 20/21 oo ay saluugeen musharixiinta Madaxeynaha. Kelly Craft oo ah Ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in aan laga maarmin wada-xaajood siyaasadeed si looga gudbo cabashada. Dhameystirka Howsha Geedi socodka Soomaaliya waxa ay rajo…

RW Rooble oo QM la wadaagay Doorashada 20/21, Amniga &

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku xog dhageysanayay Xaaladda Soomaaliya & diyaargarowga Doorashada 20/21. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga (Video Conference) waxaa mid mid loo dhageystay warbixinnada ay hayaan shaqsiyaadka ka qaybgalay oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Xukuumadda Soomaaliya, Hoggaanka sare ee AMISOM, Hay’adaha la socda xaaladda dalka &…

Golaha Wasiirada DG Puntland oo fadhi degdeg ah ka yeeshay

Hogaamiye ku xigeenka DG Puntland ahna ku simaha Hogaamiyaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa fadhi degdeg ah la yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaas, waxa ay diiradda saareen xaaladda Magaalo xeebeedyada Gobolka Bari. Golaha Wasiirada ayaa dhageystay Warbixinta ku simaha Hogaamiyaha ee la xiriirta xogta uu uruuriyay saacadihii lasoo dhaafay oo Roob Dabayl wata uu ku da’ay Degmooyinka dhulka Badda kulaala. Wasiirada ayaa dhankooda gudbiyay taladooda degdega ah si wax loogu…

Maxaa kasoo kordhay Shirka Wada tashiga Musharixiinta

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Wada-tashiga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 oo cabasha ka qaba guddiga doorashada & qorshaha DFS ay ku maamuleyso. Sida Musharixiinta ay sheegeen waxaa loo qorsheeyay in uu socdo 21/23 ka November 2020 oo maanta ah, balse Ilo xog ogaal ah oo ka dhaw Shirka ayaa Axadle u sheegay in maalin kale lagu daray, lana soo gaba-gabeynayo Berri oo Talaado ah 24-ka November 2020. Sababta maalinta…

Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo Baydhabo u tagay dhagax

Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta tagay wafdi uu hoggaaminaya Safiirka Qadar ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Hogaamiye Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Safiirka waxaa la socda qaar kamid ah Howlwadeenada Safaaradda Qadar ee Soomaaliya, waxaana uu la kulmay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Ujeedka Safarka wafdiga Qadar ee Magaalada Baydhabo ayaa ah sidii uu u dhagax…

Kororka Koroona & kala sareynta Dalalka Caalamka! –

Kiisaska Fayruska Koroona ayaa sii kordhay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaa la diiwaangeliyay Xaalado cusub, Dhimasho & kuwa ka caafimaaday sida ay tebisay Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO. Guud ahaan kiisaska Caalamka laga diiwaangeliya Covid-19 waa 58,986,439 (Konton & siddeed milyan, sagaal boqol, siddeetan & lex kun, Afar boqol, Soddon & sagaal), waxaa u dhintay 1,393,683 (Hal milyan, Saddex boqol, Sagaashan & saddex kun, lex…

Waa maxay Sababta Abiy Ahmed waqti dheeraad uu u siiyay

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa 72-saac (Saddex Cishe) oo dheeraad ah markale u qabtay in ay isu dhiibaan Xooggaga Tigray oo dagaal iska caabbin ah la galay Ciidanka Federaalka. Abiy ayaa sheegay in waqtigaas wixii ka dambeeya Dowladda Federaalka ay qaadeyso tallaabadii ugu dambeysay ee lagu soo afjarayo dagaalka oo daba-dheeraaday sida uu hadalka u dhigay. Haddaba waa maxay sababta Abiy Ahmed uu markale waqti ugu qabtay hoggaanka TPLF? Jawaabta ugu…