Hogaamiye Farmaajo oo sheegay in dalka uu galay doorashada

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay howlaha geedi socodka dalka ayaa dib ugu laabtay shirarkii & wada-xaajoodkii siyaasadeed ee lagu jaangooyay doorashada Dalka 20/21. Hogaamiye Farmaajo ayaa bogaadiyay doorka labada aqal BFS uu ka qaatay meel-marinta heshiis siyaasadeedka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo 26-kii September 2020 codka kalsoonida ku taageeray. “Heshiiskan la saxiixay waxa uu caddeyn buuxda u yahay sida ay…

Yuusuf Dabageed oo loo doortay Hogaamiye ku xigeenka DG

Waxaa soo idlaatay doorashada Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo ay u tartameen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo horay ula soo shaqeeyay Maamulkii Maxamed Cabdi Waare. Sida lasii saadaalinayay waa uu ku guuleystay Xilka Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle kadib markii uu helay 87-Cod, halka musharax Maxamed Dheere uu hantiyay 12-cod, isugu geyn waa 99-xildhibaan, mana jirin cod halaabay. Yuusuf Dabageed oo hadal jeediyay…

Cali Guudlaawe oo noqday Madaxweynihii Saddexaad ee DG

Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhacday doorasho in badan lasii saadaaliyay, waxaana ku xilka madaxweynaha DG Hir-Shabeelle u tartamay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan. 99-Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay ayaa codeysay, tiring kadib, Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabelle Cabdirakiin Luqmaan Maxamed. Cali Guudlaawe Xuseen ayaa helay 86-Cod, halka Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13-Cod, isu geyn dhammaan codadkaas waa…

Doorashada Madaxweynihii Saddexaad ee Hir-Shabeelle oo

Magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay ammaankeeda waxaa goordhaw ka bilaabatay doorashada Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle oo ay u tartamayaan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan. Cali Guudlaawe oo afartii sano uu dhisnaa maamulkaas ahaa Hogaamiye ku xigeen ayaa lasoo shaqeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii ugu horeeyay ee Hir-Shabeelle & Maxamed Cabdi Waare oo dhameystiray muddo xileedka Dowlad Goboleedkaas. Waxaa ku lamaanan…

Eretareeya oo iska fogeysay ku lug lahaanta dagaalka

War kasoo baxay Dowladda Eretareeya ayaa looga hadlay eedeyn la xiriirta in Askarta Xukuumadda Asmara ay qayb ka qaateen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigray ee dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & ismaamulkaas. Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Militariga Xukuumadda Addis Ababa ay dileen 550 kamid ah dagaalan yahanno difaacayay TPLF laguna toogtay gobolka Tigray ee waqooyiga dhaca. Khasaaraha intaas wuu ka badan yahay sida ay tebisay Warbaahinta…

Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka taagay wax ka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in uusan awoodin sameynta Biyo mareeno laga gudbiyo Xareedda roobka da’aya si aysan u fadhiisan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood socodkoodu go’ay. War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaaraya $300 Milyan (Saddex boqol oo milyan oo dollar) uu ku baxayo mashruuca lagu hirgelinayo biyo mareeno casri ah. “9-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay Muqdisho,…

Gobolka Banaadir oo gacan ka taagay maareynta Biyaha fadhiya

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in uusan awoodin sameynta Biyo mareeno laga gudbiyo Xareedda roobka da’aya si aysan u fadhiisan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood socodkoodu go’ay. War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaaraya $300 Milyan (Saddex boqol oo milyan oo dollar) uu ku baxayo mashruuca lagu hirgelinayo biyo mareeno casri ah. “9-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay Muqdisho,…

Maxaa xiisa beeliyay Doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka

Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhaceysa Doorashada Hogaamiyaha & ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo aan ka muuqan loolan xooggan sida looga bartay doorashooyinkii horay uga dhacay Magaaladaas. Xalay Magaalada kama dhicin kulamo sidaas u weyn, maadaama musharixiinta maalinta doorashada habeenkeeda looga bartay in ay raadiyaan Xildhibaannada Codeyna si ay usii helaan xubno lagu tashan karo. Doorashada Hogaamiyaha waxaa isu-soo taagtay labo Musharax oo kala ah Cali Cabdullaahi…

“Al-Shabaab Dagaalka aan la galnay waxa ay u weecisay

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle oo ka hadlay Dagaal Beeleedyada & dilalka aanooyinka ay amreen Al-Shabaab, sabab la xiriirta in ay ku wiiqaan awoodda Militari ee DFS iyo DG Galmudug. Wasiir Falagle ayaa u digay Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada & shaqsiyaadka kale ee ku lugta leh abaabulka, buun-buuninta iyo garab istaagga dagaal beeleedyada. Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug ayaa Hay’adaha Shaqada ku leh garsoorka &…

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Duleedka

Qaraxaan oo ahaa Miino loo dhigay Kolonyo Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Sinna-dhaqo duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug. Inta la xaqiijiyay waxaa dhimatay labo askari halka dhaawac uu soo gaaray 9-kale, waxaana ay saarnaayeen Gaariga Qaraxa uu haleelay sida Axadle ay u sheegeen ilo xog ogaal ah. Askarta dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday Isbitaal si loo daweeyo, waxaana howlgal sameeyay ciidamada…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More