Golaha Wakiilada DG Puntland oo u codeeyay Xeerka

Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeeshay Golaha Wakiilada DG Puntland, waxa ay maalintii 3-aad qodob qodob u dul istaageen Xeer Isgaarsiinta & Khidmadaha Puntland. Kulanka waxaa Shir Guddoomiyaya Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana fadhiga xaadir ahaa ku xigeenkiisa 1aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan & ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame. Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in xeerka ay ansixiyeen ay dood adag ka yeesheen fadhiyadii ugu…

Faransiiska oo Qaaradda Yurub hoggaanka u qabtay Covid-19! –

Dalka Faransiiska ayaa kaalinta 1-aad kasoo galay kala sareynta waddamada cudurka Covid-19 kiisaska ugu badan laga diiwaangeliyay ee Qaaradda Yurub, kadib markii uu ka sare maray dalka Ruushka. Guud ahaan kiisaska laga helay Faransiiska waa 1,922,504 (Hal milyan, sagaal boqol, labaatan & labo kun, shan boqol & afar), halka dhimashu tahay 43,892 (Afartan & saddex kun, siddeed boqol, sagaashan iyo labo), waxaana ka caafimaaday cudurka 137,155 (Boqol, soddon &…

Cabashada Mucaaradka & Cagajiidka Doorashada 20/21! –

Bilihii September & October 2020 waa markii dhinac loo riday doorashada dalka 20/21, kadib muddo dheer oo muran iyo jaho wareer uu hareeyay nuuca doorasho, waqtiga ay dhaceyso & isla jaanqaadka DFS & DG. Doorashadu waxa ay dhadhan yeelatay markii loo gudbiyay Labada Gole ee BFS 26-Kii September 2020 oo waxaa u codeeyay heshiiska Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada 252-mudane oo katirsan labada Aqalka Baarlamaanka. 1-dii October 2020, Hogaamiyayaasha heer…

Laamaha ammaanka Gobolka Bari oo baaraya koox dil ka

Ciidamada ammaanka & waaxda dabagalka dambiyada ayaa Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ka bilaabay baarista kiis dacweed la xiriira labo ruux oo dhalinyaro oo xalay lagu dilay Magaaladaas. “Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Mindi, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyarada labo xaafadood oo katirsan Magaalada Boosaaso, waa ay baxsadeen balse baaris ayaa socota” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Boosaaso. Laamaha ammaanka ayaa…

Itoobiya oo Soomaaliya ka saartay Askar ka joogta si ay ugu

Sida ay daabacday qaar kamid ah Warbaahinta kala duwan. Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Soomaaliya ka daadgureysay kumanaan askari oo aan ku jirin howlgalka Ururka Midowga Afrika. Ujeedka waa xoojinta dagaalka gudaha dalkeeda ka socda gaar ahaan Gobolka ismaamulka Tigray oo isku dhac dhexmaray Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulkaas galay maalintii 11-aad. Tiro sugan lagama hayo ciidamadaan ka baxay Soomaaliya ee Itoobiyaan ah, waxaana xooggooda ay ka baxeen Deegaanno ka…

“Howlgalka lagu sugayo ammaanka Marka waxa uu ka socdaa

Maamulka Degmada Marka oo faah-faahiyay howlgal amni sugid ah oo ka dhacay deegaannada duleedka ah Magaaladaas ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose. Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu xaqiijin karo xasiloonida Magaalada Marka ay tahay sidii loo joogteyn lahaa howlgalada ka socda deegaannada duleedka ah. “Shaqada amni sugidda waxa ay ka socotaa Buulo naag ilaa aay buutey, sidoo kale waxa…

Dalalka kujira AMISOM oo walaac ka muujiyay hub la tuhunsan

Kulan ay yeesheen Wasiiro katirsan waddamada Ciidamada AMISOM ugu haboohay Soomaaliya waxa ay uga hadleen xaaladda ammaan ee Soomaaliya, warbixinta Qaramada Midoobay & walaaca la xiriira dhaqaalaha & hubka ay heshay Al-Shabaab. Shabakadda Wararka Taarifa ee dalka Rwanda oo daabacay xogta sheekadaan ayaa sheegay in kulankaan uu daba-socday fadhiga Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ee Khamiistii oo warbixin kasoo saaray xaaladda Shabaab. Kulanka Wasiirada Difaaca…

Golaha Ammaanka oo soo jeediyay wax ka qabashada qaraxyada

Golaha Ammaanka QM Fadhigii ugu dambeeyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo kahortagga waxlaha laga sameeyo ama loo adeegsado qaraxyada ee loo iib geeyo Soomaaliya. Golaha ammaanka ayaa u codeeyay khamiistii in laga hortago iibinta walxahaas lagu farsameeyo qaraxyada oo halis ku ah dadka, isla markaana Khatar weyn gelin karta nolosha dad badan oo haatan caafimaad qaba. Si gaar ah warbixinta kasoo baxday kulanka Golaha ammaanka waxaa…

Iiraan oo Biyaha u dhaxeeya Yemen & Soomaaliya si joogta ah

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iiraan, kadib markii si sharci darro ah ay u gashay biyaha waddankooda, sidaas awgeed gacanta loogu dhigay. Sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga Yemen Fahad Kafaayin, waxa uu tilmaamay in Doomaha kalluumeysiga Iiraan dhibaato xooggan ay ka geystaan Biyaha dalkooda oo marar kala duwan Kalluumeysi sharci darro ah ka sameeyeen. Wasiir Kafaayin ayaa tilmaamay in doonta lagu qabtay Xeebta…

IOM oo sheegtay in ku dhawaad 80-ruux ay ku dhinteen Xeebaha

War kasoo baxay hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee IOM ayaa lagu sheegay in ay dhinteen ugu 74-Tahriibe oo ka baxay dalka Liibiya, iyaga oo aan ka gudbin biyaha dalkaas. Hay’adda ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka u qaabilsan ee jooga Gudaha Liibiya ay soo badbaadiyeen 47-ruux oo kale lana dhigay goobo lagu hubinayo Xaaladdooda sida warka lagu yiri. IOM ayaa tilmaamtay in ay kordheen dadka isku dayaya tahriibka ee ka baxaya Xeebaha Liibiya, kuwaas oo halis…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More