Shil sababay Dhaawaca labo ruux oo ka dhacay Gobolka Mudug.

Gaari nuuca xamuulka qaada gaar ahaan (Biijii) (BG) ayaa shil ku galay inta u dhaxeysa Deegaannada Ceel-guula iyo afgaduudle oo katirsan Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Ceel-guula oo 100 KM dhinaca Koofur Bari uga jiheysan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana marar kala duwan ka dhacay shilalka gaadiidka nuucyadiisa kala duwan. Inta la xaqiijiyay labo ruux oo la socotay Gaariga shilka galay ayaa dhaawac halis ah oo u badan jab soo gaaray, halka…

Jaamacadda Manchester oo Ceerisay Saraakiil cunsuriyaysay

Dalka UK gaar ahaan Magaalada Manchester waxaa shaqada laga eryay saraakiil Cunsuriyaysay 19-jir Soomaali ah oo qaxooti ahaan ehelkiisa ay u tageen Ingiriiska, isla markaana wax ka barta Jaamacadda Manchester. Zac Aadan waxa ay weydiiyeen saraakiishaan in uu tusiyo aqoonsigiisa, kadib markii ay geeyeen gidaarka (Debriga) hoolka Fallowfield, waxaana laga qaaday sawirro ku faafay baraha bulshada oo sababay carada shaqada looga eryay saraakiishaan. Aadan ayaa sanadkiisa 1-aad…

Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle oo qaatay talo uu soo

Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horaantii bishaan wareysi uu bixiyay waxa uu uga hadlay dhibaatada heysata Dowlad Goboleedkaas oo ay ugu weyn tahay waqtiga doorashada oo ku beegan Doorashada Dowladda Federaalka. Baarlamaanka labaad ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta damacsan in sanad dheeraad ah ugu daraya maamulka cusub ee 11-ka November 2020 loo doortay Hogaamiyaha & ku xigeenkiisa. Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka DG…

“Muqdisho kama dhaceyso Doorasho aan lagu qanacsaneen”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka aysan aqbaleyn in Muqdisho ay ka dhacdo doorasho aan lagu wada qanacsaneen. Warsame ayaa shaaciyay in hamiga Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay sidii uu markale dib ugu soo laaban lahaa kursiga sida uu hadalka u dhigay, balse dhabbaha uu u qaadayo ay tahay mid aan wanaagsaneen. Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa  sheegay in qaylada xubnaha…

Maxaa looga hadlayaa fadhiga Golaha Shacabka BFS ee maanta?

Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo Isniin ah ku beegan 16-ka November 2020 waxa ay uga hadlayaan saddex ajende sida ku cad fariinta loo diray Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya. Qodobada maanta horyaalla Golaha Shaabka waxa ay kala yihiin: 1-U codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, xili ururka Qareennada Soomaaliyeed uu ku baaqay in uusan golohu ansixin, maadaama si sharciga baalmarsan ay ku magacaawday Xukuumaddii Xil-gaarsiinta 30/7/2020. 2-U codeynta xubnaha Guddiga…

Al-Shabaab oo sheegtay in ay qabsatay Deegaan u dhaxeeya

Sida ay daabacday Warbaahinta Al-Shabaab, xooggag katirsan Shabaab ayaa qabsaday Deegaanka Ceel Dheere oo u dhaxeeya Degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii Al-Shabaab si buuxda ay u qabsadeen gacan ku heynta Deegaankaan oo aan sidaas uga fogeyn Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug. Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in bilaa dagaal ay qabsatay, kadib markii ciidamada DG Galmudug ay isaga baxeen…

Gobolka Bari oo lagu xiray Rag lala xiriiray Al-Shabaab &

Magaalada Boosaaso & deegaanna dhaca duleedkeeda waxaa howlgal ka sameeyay ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii la amray howlgal lagu sugayo ammiga Gobolka Bari. Ujeedka howlgalka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa xasiloonida Magaalada oo martigelineysa qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS ee saami ahaanta loo siiyay maamul Goboleedka Puntland. Maamulka Gobolka Bari, Saraakiisha ciidamada Ammaanka & mas’uuliyiinta Magaalada Boosaaso oo ka…

Maxaa hortaagan in Puntland & Jubbaland ay dhameystiraan

Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa soo dhameystiray Guddiyada xalinta Khilaafaadka & Doorashada 20/21 ee ka dhashay heshiis siyaasadeedka DFS & DG dhexmaray Bilihii September iyo October 2020. Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in maamulada Puntland & Jubbaland ay ka war-dhowrayaan halka ay ku biyo shubato doodda ka taagan guddiga la magacaabay oo xubnaha mucaaradka ah ay sheegeen in laga soo dhex xulay Hay’adda Nabadsuidda…

“Doorashada Dalka 20/21 waa in ay ku dhacdaa waqtiga lagu

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Istanbul waxa uu la wadaagay dhinacyada Doorashada, Amniga, Waxbarashada, Dhaqaalaha & dib u dhiska dalka. Ugu horeyn waxa uu sheegay in dadaal badan la geliyay heshiiska doorashada oo fadhiyo kala duwan ay ka yeesheen Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ugu dambeyn dhinac loo riday nuuca doorasho ee dalka…

“Waxaa naga go’an in Doorashada 20/21 aysan dib uga dhicin

Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Raysul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah-faahiyay is qab-qabsiga ka dhashay xubnaha Guddiga Doorashada 20/21, cabashada Xisbiyada Mucaaradka & Walwalka waqtiga Doorashada. Guuleed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay qabashada doorashada 20/21, lana soconeyso sidii loogu qaban lahaa muddo xileedka Dowladda Federaalka oo ku eg 8-da…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More