Madaxweyne Deni oo 49-cishe kadib dib ugu laabanayo Garoowe!

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabanayo Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal oo uu ka safray 1-dii September oo haatan laga joogo 49-Cishe. Magaalada Muqdisho ayuu ku sugnaa intii u dhaxeysay 1-dii September ilaa 2-dii Oktoobar, waxa uu qayb ka ahaa hogaamiyayaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee kawada xaajootay doorashada 20/21. Madaxtooyada DG Puntland ayaa safarka 16-cishe ah ee uu Deni ku joogay Magaalada Nairobi ku…

DFS oo Magaalada Jowhar geysay Ciidanka gaarka u tababaran

DFS ayaa Magaalada Jowhar geysay Ciidamada gaarka u tababaran ee Haramcad sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo mustaqbal la wadaagay xogta geynta askartaan xarunta DG Hir-Shabeelle. Askartaan ayaa qayb ka ah ilaalinta ammaanka Magaalada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is dulsaaran waqti ahaan, waa tan Dowlad Goboleedkaas & soo doorashada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qorshaha Dowladda ayaa ah in ciidan kale ay geysto Xarunta Gobolka Shabeelaha…

Xil heynta Waare & Cali Guudlaawe oo idlaatay! – Axadle

Muddo xileedka 4-sano ee Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare & Cali-Guudlaawe Xuseen ayaa idlaatay 17-kii bishaan Oktoobar 2020 oo ku beegneed shalay oo Sabti ahayd. Inkasta oo uu Waare badalay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble, balse waxa uu dhameystire u ahaa muddo xileedka ka harsan waqtiga dastuuriga ah ee lagu simay awoodda xilheynta hay’adaha kala duwan ee maamulkaas. Qorshuhu waxa uu ahaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad…

Odoyaasha KGS oo sheegay in ay bilaabeen diyaargarowga

Odoyaal dhaqameed soo xulaya Ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa bilaabay howsha ay isugu duwayaan Ergo beeleedyada leh kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxgaradkaan ayaa labo cishe kahor la kulmay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, iyaga oo isla meel dhigay sidii loo bilaabi lahaa diyaargarowga doorashada Baarlamaanka Federaalka. Labo qaybood ayaa look ala qaybiyay Odoyaashaan oo 15-kamid ah ay kasoo…

Nabadsugidda Puntland oo soosaartay Miino lagu aasay

Nabadsugidda DG Puntland ayaa howlgal qorsheysan ay ka fulisay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug waxa ay kusoo saartay miino la geliyay qayb kamid ah garoon kubadda cagta lagu dheelo. Ciidanka ammaanka Puntland ee loosoo gaabiyo PSF-ta ayaa sheegay in miinadaan loogu talagalay in lagu qarxiyo Garoonka kubadda Cagta Cawaale ee ku yeella Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Sooma bandhigin shaqsiyaad lagu soo qabtay howlgalkaan, sidoo kale ma aysan bixin faah-faahin ka dheer…

Muxuu yahay ujeedka Heshiiska Dowladaha Soomaaliya &

Magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku kala saxiixday Dowlaaha Soomaaliya & Talyaaniga, ujeedkiisu waa horumarinta mashruuca biyo xireenka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Talyaaniga ayaa ballanqaaday in uu sameynayo dhismaha Biyo xireenka & dib u dayactirka Jiinka wabiga Shabeelle oo ah meelaha ugu badan ee uu karkaarada ka jabsado marka uu fatahaadda sameynayo. Buundooyinka Koofurta & Bartamaha Soomaaliya oo ay horay u dhistay Dowladda Talyaaniga…

Guud ahaan Caalamka oo maanta laga diiwaangeliyay

Kiisas cusub oo Covid-19 ah ayaa guud ahaan caalamka laga diiwaangeliyay maanta oo jimco ah, waxaana diiwaanka galay 97,058-xaalado cusub ah, halka ay dhinteen 1,691-ruux, waana suuragal in tiradu intaas kasii badato. Dalka ugu badan waa Russia 15,150-xaalado cudurka Coronavirus ah ayaa la diiwaangeliyay, kaalinta labaad waxaa soo galay Belgium oo waxaa baarista lagu helay 10,448-ruux, fooqa-sare dhanka dhimashada galay dalka dhaca Waqooyiga Ameerika ee Mexico. Brazil lagama…

Baratanka Jowhar & Baladweyne ee Doorashada Hir-Shabeelle! –

Magaalada Jowhar ee xarunta DG Hir-Shabeelle waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo la xiriira dhismaha Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas, loolanka Kursiga Hogaamiyaha ee Beelaha dhexdooda & diyaargarowga Xulista Xildhibaannada. Jowhar waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa & Madaxweyne ku xigeenka, halka Odoyaasha Beelaha ay ku howlan yihiin isu diyaarinta soo xulisita Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle. Dhanka Magaalada…

QM oo maamuseysa (Maalinta Cunnada Adduunka) xili ay dhintay

16-ka Oktoobar maalinta cunnada aduunka ee Qaramada Midoobay u gooni yeeshay in lagu xusuusto dhibaatooyinka dhanka cunta la’aanta, tayada, helista cunno badqabkeedu wanaagsan yahay iyo dhiiragelinta Muruq-maalka Beeraha leh. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada ee WFP ayaa ku tiirsan dhaqaalaha waddamada xubnaha ka ah Golaha ammaanka oo ku kala bixin saamiga bixinta, si ay cunno ugu iibiyaan dalalka dhibaatooyinka ku jira, u dhiirageliyaan beeraleyda & la…

“Halka sano ee aqoonsiga FIFA kama dhigna in Roogga saaran

Xiriirka kubadda Cagta adduunka ee FIFA ayaa muddo sanad ah garoon Caalami ah u aqoonsaday Stadium Muqdisho, kamid markii heerar kala duwan oo dhinaca dhismaha ah oo uu soo maray garoonkaan. FIFA ayaa soomaaliya usoo dirtay kor joogto qiimeyn ku sameysay garoonkaan oo uu xarig jaray Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 30-kii June 2020, kadib muddo howl hagaajin ah oo ka socotay. Garoonka ayaa martigeliyay kulamo kala duwan, dhawaan ayaa loo fasaxay taageerayaasha,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More