Kulamo looga hadlaya xal ka gaarista cabashada ka taagan

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaya sidii loo xalin lahaa cabashada ka timid magacaabista xubnaha Guddiga doorashada 20/21 oo Xisbiyada Mucaaradka ay sheegeen in ay u badan yihiin saraakiil katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada. Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kamid ah madax goboleedyada magacawday Guddiga Doorashada 20/21 ee cabashada ka timid oo Muqdisho soo gaaray 15-ka November 2020 waxa uu qaabilay xubno u badan Xisbiyada…

Ciidamada ammaanka Laascaanood oo dad u xiray dil loo

Ciidamada ammaanka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sameeyay baaris ay ku qabteen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dil xalay fiidkii loo geystay sarkaal katirsan maxkamadda degmadaas. Hay’adaha ammaanka ayaa baaraya shaqsiyaadka ay usoo qabteen dilka loo geystay garsooraha maxkamadeed ee ka shaqeynayay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga. Garsooraha la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Salaad (Wadaad…

Mareykanka oo Xayiraad dhaqaale saaray Saraakiil katirsan

Xubino hubeysan oo ka tirsan dagaalyahanada al-Shabab ayaa ka qayb galay isu soo bax ka dhacay duleedka Muqdisho, Soomaaliya. AP Maamulka Hogaamiye Trump ayaa xayiraad kusoo rogay saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ay ku eedeysan yihiin weeraro kala duwan oo ka dhacay Geeska Afrika sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Xukuumadda Washington ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso sanadkii 2008, hoggaamiyaashooda waxaa madaxooda la dul dhigay adduun…

Jabuuti oo taageero u muujisay go’aanka militari ee Abiy

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka hadashay dagaalka dhowr & tobanka cishe ka socda ismaamulka TIgray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Xisbiga TPLF, waxaana ka dhashay khasaare Dhimasho, dhaawac, Barakac, halka ay go’doomeen qoysas badan. Jabuuti ayaa Raysul Wasaare Abiy Ahmed Ali ku tilmaamtay in uu yahay hoggaamiye isku heyn kara dhulka Itoobiya, sidaas awgeed uu u baahan yahay in lagu garabsiiyo midnimada & madax bannaanida dhuleed. Dowladda Jabuuti ayaa ku…

Qaramada Midoobay oo soo saartay Dadka ka baracay Roobka &

Niger, oo ah mid ka mid ah wadamada ugu Biyaha yar dunida iyo waliba kuwa ugu saboolsan, ayaa inta badan la kulma daadadka xilliyada roobaadka, oo caadi ahaan soconaya labo ama saddex bilood. xuquuqda Sawirka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani Aadamnimada ee OCHA ayaa warbixin kasoo saaray qoysaska ka barakacay Roobabkii ka da’ay Soomaaliya laga soo bilaabo bishii October 2020 & daadadka ka dhashay. Ugu yaraan 214,000 oo ruux ayaa ka barakacday…

Booliiska Baladweyne oo sheegay in ay dad u xireen dil ka

Ciidamada ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa howlgal ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro ka sameeyay Xaafadda Buunda weyn oo lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii xaafaddaas. Booliiska ayaa shaqsiyaadka qaar geeyay xarumahooda baarista si ay su’aalo u weydiiyaan, maadaama tuhun la xiriira dilka uu galay, sidaas awgeed loo baahday in laamaha ammaanka ay xaqiijiyaan. Taliyaha Booliiska Magaalada Baladweyne Labo XIdigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in ciidamada…

Trump oo diyaariyay qorshaha uu Askartiisa uga saaraya

Sida uu daabacay Wargeyska New York Times, Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu la baxo Askarta ka joogta Dalalka Afgaanistaan, Ciraaq & Soomaaliya kahor inta uusan xafiiska wareejin. Kumanaan Askari ayuu qorshuhu yahay in uu saaro bisha janaayo 2021 oo 20-keeda uu wareejinayo Aqalka cad ee dalkaas looga arrimiyo si uu shaqada ula wareego Joe Biden oo ah Hogaamiyaha la doortay. Waaxda difaaca Mareykanka ayaa isniintii loo gudbiyay dalabka celcelis…

DFS oo sheegtay in ay qabatay saraakiil katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa lagu faah-faahiyay howlgal dhacay marar kala duwan oo lagu qabtay xubno katirsan oo u kala qaabilsanaa Gobollada Shabeelooyinka & Hiiraan oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle. Ugu horeyn warka kasoo baxay DANAB ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolladaas, halka gacanta lagu dhigay saraakiil kala darajo duwan. DFS ayaa soo…

Hogaamiye Farmaajo oo safar aan lasii shaacin ku tagay

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar aan horay loosii shaacin ku tagay Magaalada Nairobi Caasimadda dalka Kenya, waxaana ku wehliyay mas’uuliyiin kala duwan. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay Hogaamiyaha oo booqanaya dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Nairobi, waxaana uu ku baaqay in gacan laga geysto dib u dhiska guud lagu sameynayo safaaraddaas. Muddo 9-bilood ah ayuu dalbaday in dib loo hagaajiyo si loosoo celiyo bilicda ay leedahay safaaradda…

Ghana oo 60-sano Qaramada Midoobay ugu deeqday 78,000

Dowladda Ghana ayaa door wanaagsan ka qaadatay howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, waxa ay safka hore kasoo gashay waddamada degdeg ah uga jawaaba marka loo baahdo Askar. Warbixin laga diyaariyay doorka Howlgalka Ciidamada Ghana oo lagu daabacay Peace FM Online waxaa lagu soo bandhigay waxyeelada gaartay, liiska dalalka Askartooda ay ku dhinteen howlgalka Nabad ilaalinta, waddamada ay tageen & tirada guud askarta ay dhiibtay. Waxaa lagu sheegay Warbixin ku saabsan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More