Antonio Guterres oo ku baaqay in xal laga gaaro xiisadda ka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres . Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro xiisadda ka dhex aloosan Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Ismaamulka Tigreega. Guterres ayaa sheegay in aan laga maarmin miiska wada hadalka sidaas awgeed labada dhinac laga doonayo in wada-xaajood dhab ah ay bilaabaan si looga baaqsado gacan-qaad dhexmara labada dhan. “Waxaan aad uga walaacsanahay xaalada Gobolka Tigray…

Uganda oo Soomaaliya ka saartay 2,100 askari. – Axadle

Dalka Uganda waxaa tagay Kooxda 27-aad qaybta 6-aad ee ciidamada difaaca dalkaas ee ku howlgala Magaca Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii ay dhameysteen sanad ay joogeen Soomaaliya. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in tirada Askartaan ay gaareyso 2100-Askari kuwaas oo Khamiistii tagay Xarun la dejiyo Ciidamada soo guta waajibaadka nabad ilaalinta sida Dowladdu ay hadalka u dhigtay. Munaasabad lagu dhiira-gelinayo Askartaan & saraakiisha hoggaamineysa waxaa ka…

Hogaamiyaha Malawi oo ka carooday Qish lagu sameeyay

Madaxwaynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ka carooday Qish lagu sameeyay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga sare, waxaana uu ku baqay in la badalo guddiga howshaan gacanta ku hayay. Wasiirkiisa Waxbarashada ayuu u diray warqad uu uga dalbanayo in muddo todobaad ah ku keeno sababta keentay in uu gacantiisa ka baxo Imtixaanka Dugsiga sare & Cidda fududeysay howshaas. Hogaamiyaha Malawi ayaa qiyaano qaran ku sifeeyay dusinta (Qishka) Imtixaanka fasalka 12-aad ee Dugsiga…

Maamulka Gobolka Banaadir oo Mashruuc u raadinaya

Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in la qabanayo shir weyne looga tashanayo dib u hirgelinta bulaacadaha Biyaha ka qaada waddooyinka Caasimadda. Axmed Xasan Iimaan ku simaha Duqa Muqdisho Waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha DFS ay aqbaleen dalabkooda ah in la isugu yeero Wakiilada beesha Caalamka, Ganacsatada & Cid waliba oo gacan ka geysan karta hirgelinta mashruucaan. Maamulka Gobolka…

Beeraleyda & Xoolo dhaqatada Hir-Shabeelle oo ka barakacay

Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ahna sii hayaha Wasaaraddaas oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in dadka Xoolo dhaqatada & Beeraleyda ah ay bilaabeen in ay ka barakacaan Deegaannadooda. Sababta waxa uu ku sheegay Wasiir Daqarre in Ayaxu uu saameyn taban ku yeeshay dhulka daaqsimeed & Beero Baaxad weyn oo ku yaalla Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee DG Hir-Shabeelle. “Ayaxa ku degay Degmooyinka Maxaas, Aadan yabaal, Jalalaqsi,…

Waaxda Difaaca Mareykanka ma aqbali doontaa in Trump uu

Maqaal uu daabacay Teleefishinka Turkish State International (TRT) waxa uu uga hadlay qorshaha isbadalka Donald Trump haddii ay dhacdo in uu markale hoggaamiyo Mareykanka 4-sano oo kale. Teleefishinka oo daba-socda hadalkii Trump 13-kii Oktoobar 2020 uu ku sheegay in uu la baxayo Askarta Soomaaliya ka joogta oo tiro ahaan u dhaxeysa 650 ilaa 800 oo dhamaan ah Caawiyaal la shaqeeya Askarta Dowladda Federaalka & AMISOM. Trump ayaa Waaxda difaaca Mareykanka u gudbiyay…

“Hir-Shabeelle sababta loogu dagaalamayo waa 45-Kursi oo

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii labaad DG Hir-Shabeelle ayaa faah-faahiyay sababta uu uga haray loolanka Doorashada & go’aanka uu ku shaaciyay in uu isku casilay xili lagu dhawaaqay Baarlamaanka labaad, lana dhaariyay. Waare ayaa sheegay in dano siyaasadeed lagu xiray dhismaha DG Hir-Shabeelle, maadaama dhismaha maamulkaan lagu soo beegan waqtita loolanka doorashada dalka uu socday 2016-kii, & haatan oo dalka isu diyaarinayo Doorashada 20/21. “Nidaamka Federaalka oo…

Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle oo maanta dooranaya

Magaalada Jowhar waxaa maanta oo Arbaco ah ka dhaceysa Doorashada Guddoomiyaha & labada ku xigeen ee DG Hir-Shabeelle, waxaana u loolamaya 6-ruux oo buuxiyay shuruudaha la hordhigay. Xubnaha xildoonka ah ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay Xildhibaannada si ay u weydiistaan codkooda, maadaama Sadeexda kursi ay ku tartamayaan min labo xubnood, sidaas awgeed cod dheeri lagu kala guuleysanayo. Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud…

DG Puntland oo maanta maxkamadeyneysa Rag qirtay in ay

Laamaha ammaanka Gobolka Bari ayaa soo bandhigay labo nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo qirtay in ay ka dambeeyeen dil loo geystay Naciima Cabdi Maxamed oo ka dhacay Magaalada Boosaaso 25-kii Oktoobar 2020. Labadaan ruux ee ku eedeysan kiiskaan ayaa kamid ah Gaadiidleyda Dadweynaha (BL-ka), waxaana ay qirashadoodu ku sheegeen qaabka anxan-darrada ah oo ay u dileen Naciima Cabdi Maxamed. Maxamed Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq ayaa warbaahinta u sheegay in Naciima Cabdi…

Cumar Faatax oo ku biiray Aqalka sare ee Minnesota! –

Cumar Faatax oo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ee kunool Dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay xubinnimada Aqalka Sare ee Gobolka Minnnesota oo ay ku badan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas. Senator Cumar ayaa waayihii dambe waday ololaha loolanka hanashada kursigaan, waxa uu qabtay bandhigyo kala duwan, ugu dambeyn guul ayuu ka gaaray tartankaas uu gashay sida natiijada ku cad. “Waxa aan ku faraxsanahay in aan noqdo qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo kamid noqda…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More