Liibiya oo laga qaaday Tahriibayaal kasoo kala jeeda
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegtay in ay Dalka Liibiya ka qaaday dad gaaraya 79-ruux oo ay geysay Waddanka Rwanda oo isla qaaraddaan Afrika ah.
Afhayeen u hadlay Hay’adda ayaa sheegay in dadkaan oo la qaaday Khamiistii in laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Rwanda, sababtu waa in la badbaadiyo nolosha shaqsiyaadkaan Liibiya u tagay in ay ka tahriibaan.
Hay’adda ayaa sheegtay in Xayiraadda Covid-19 ay saameysay isu socodka sahlanaa ee dadka…