Tedros Adhanom oo iska fogeeyay in uu taageera Militari
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee loosoo gaabiyo WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya oo ah in uu taageera Militari siiyay Ismaamulka Tigray.
Tedros oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliisha dusha laga saaray, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda Dowladda Federaalka Itoobiya & Ismaamulka Tigray.
Sababta loo eedeeyay ayaa ah in uu kasoo jeedo Qowmiyadda Tigreega, waxaana uu horay usoo noqday Wasiirka Caafimaadka Itoobiya kahor inta uusan noqon Madaxa Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.
“Waxa aan ka muraal dilaacay xaaladda dalkeyga, waxa aan soo jeedinayaa in laga shaqeeyo xasiloonida oo ah waxa kaliya lagu badbaadin karo shacabka, si looga fogaado dhibaato caafimaad & mid bani aadamnimo, waxa aan si dhab ah uga welwelsanahay dadka barakacay ee qaxootinimada door-biday, waxa aan ka walaacsanahay mustaqbalka carruurta oo dagaalka dhibaato ku ah” ayuu yiri Tedros Adhanom.
Waa uu sii hadlay waxa uuna iska fogeeyay eedeynta dusha laga saaray waxa uuna yiri “Waxaa jira warar sheegaya in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waxaana sheegayaa in aniga aan taageersanahay hal dhinac waana dhanka nabadda”.
Taliyaha Militariga Itoobiya Berhanu Jula ayaa Tedros Adhanam ku eedeeyay in uu garab istaag militari uu u sameeyay TPLF oo dagaal xooggan ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Federaalka todobaadkii labaad.
Axadle.