Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ka dib markii ay 3-0 ku xaaqeen kooxda Brighton oo marti loogu ahaa garoonka Amex Stadium.Red Devils ayaa si sahlan ku dhaaftay koox ay dirqi uga badiyeen afar maalmood ka hor. Iyadoo McTominay uu hogaanka u dhiibay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaa u labeeyay Juan Mata oo u dabaaldegay goolkiisii 50aad ee Man United halka Paul Pogba uu dilay ciyaarta isagoo dhaliyay goolka seddexaad.Labada tababare ayaa isbedelo badan ku sameeyay shaxdoodii kulankii…
Jamaahiirta Man United Oo Ka Carooday In Ole Gunnar
Ole Gunnar Solskjaer ayaa weerar xun kala kulmay taageerayaasha Man United ee isticmaala baraha bulshada ka dib markii uu ku qasbay gabar yar inay u heyso dallada xilli uu roob xoogan da’ayay.Tababaraha Manchester United ayaa kooxdiisa u diyaarinayay kulanka Carabao Cup ee Brighton markii uu roobka bilowday.Laakiin bedelkii uu isagu dallada heysan lahaa si uusan u qoyin, waxa uu Solskjaer ka adeejiyay gabar yar oo iyaduba qoyday inay dalada u qabato.Ku guuleystihii hore ee barnaamijka X-factor, Steve Brookstein ayaa bilaabay…
Man City Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay Ka Dib Guul Weyn
Kooxda Manchester City ayaa wadada guusha ku soo laabatay iyagoo iska ilaaway guuldaradii 5-2 ee ka soo gaartay Leicester City kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League.City ayaa caawa seddex gool oo bilaa jawaab ah ku aamusisay kooxda Burnley oo ay wada ciyaareen wareega 16ka ee koobka ay difaacaneyso ee Carabao Cup.Xiddiga Ingariiska Raheem Sterling ayaa labo gool dhaliyay halka saxiixa cusub ee Ferran Torres uu furtay akoonkiisa goolasha ee Manchester City.Raheem Sterling ayaa 33 gool u dhaliyay Manchester City tan iyo…
Jamaahiirta Chelsea Oo Eden Hazard Ugu Baaqay In Uu Ka Soo
Kadib markii ay kooxda Real Madrid si rasmi a ugu dhawaaqday in Eden Hazard uu dhaawac cusubi soo gaadhay isla markaana uu muddo ilaa bil ah garoomada ka maqnaan doono ayay jamaahiirta Chelsea bilaabeen in ay Hazard ugu baaqaan in uu kooxdiisii hore ku soo laabto.Eden Hazard ayaa qaab xun kaga baxay kooxdii uu xidiga heerka caalami ah ku noqday ee Chelsea laakiin ilaa hadda waxa uu la kulmayaa murugo badan oo haddaba heer xun sii gaadhaysa.War rasmi ah oo ay Real madrid ka soo saartay dhaawaca Hazard ayaa lagu yidhi: “Kadib…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Valladolid – Xiddig La
Real Madrid ayaa caawa soo dhaweyneysa kooxda Real Valladolid kulankooda labaad ee horyaalka ay difaacanayaan ee La Liga, iyadoo tababare Zinedine Zidane uu isbedelo ku sameeyay shaxdiisa.Waxaas si lama filaan ah loogu soo bilaabay kulanka caawa xiddiga la ilaaway ee Luka Jovic kaasoo ka garab ciyaaraya Karim Benzema iyadoo tababare Zidane uu ku soo shirtagay shax ciyaareedka 4-4-2.Casemiro iyo Luka Modric ayaa khadka dhexe ka ciyaaraya halka Isco iyo Valverde ay garbaha saaran yihiin.Dhanka daafaca dhexe Raphael Varane ayaa…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Brighton vs Man United – Solskjaer Oo
Afar maalmood ka dib markii ay Brighton iyo Manchester United ku kulmeen Premier League, waxay caawa isku arkayaan wareega 16ka ee koobka Carabao Cup.Kulankii Premier League ee dhexmaray labada kooxood wuxuu ahaa mid taariikhi ah iyadoo Man United ay dirqi ku badisay, miyaa la filan karaa kulan kale oo sidaas u xiiso badan caawa?Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa toban bedel ku sameeyay shaxdiisa xilli uu wajahayo kulan adag oo ay la ciyaarayaan kooxdii halista gelisay afar maalmood ka hor ee Brighton.Goolka waxaa lagu soo…
Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Caawa Oo Arbaco
Xanta suuqa kala iibsiga xagaaga ma ahan mid joogsato 24ka saacadood iyadoo warar cusub ay had iyo jeer ka soo kordhaan madaama ay kooxaha suuqa ugu jiraan xiddigo ay ku sii adkeeyaan kooxahooda.Hadaba waxaan caawa idiin soo uruurinay wararkii ugu danbeeyay ee ay warbaahinta Yurub ka qortay suuqa kala iibsiga xagaaga iyo heshiisyadii la dhameystiray saacadihii ugu danbeeyay.RASMI: Kooxda Faransiiska ee Lyon ayaa si rasmi ah u la wareegtay xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil iyo kooxda AC Milan Lucas Paquetá, iyadoo lagu…
Wakiilka Donny van de Beek Oo Dhaleeceeyay Man United Isagoo
Wakiilka Donny van de Beek oo lagu magacaabo Sjaak Swart ayaa ku dhaleeceeyay Manchester United sida ay u isticmalayaan saxiixooda ay 39ka milyan ginni kala soo wareegeen Ajax.Xiddiga reer Netherlands ayaa kaliya ciyaaray 24 daqiiqo labadii kulan ee Premier League ee ay xilli ciyaareedkan la ciyaareen Crystal Palace iyo Brighton.Van de Beek ayaa shabaqa ka soo taabtay Palace, wuxuuna United u keenay rigooradii ay kaga badiyeen Brighton. Waxa uu sidoo kale ku soo bilowday kulankii ay United 3-0 kaga badisay Luton wareegii…
RW Rooble oo Guddi horumarinta dhaqaalaha kala hadlay
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Xubnah Guddi hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kala hadlay muhiimadda qorshaha Deyn Cafintu u leedahay Dowladnimada & Dib u dhiska Dalka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Mahdi Maxamed Guuleed oo dhawaan Wareejiyay Xilka ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sii hayaasha Wasiirada Maaliyadda, Dekedaha, Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada & Mas’uuliyiin kale.…
Nigeria: the results of 60 years of independence
On October 1, 1960, Nigeria, a former British colony, became the largest independent state on the African continent. What political, economic, social and cultural results can we draw from these sixty years of independence?
With our guests:- Remi Sonaiya, author, former professor of French language and applied linguistics,…