Khabiirka BBC Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Kulamada Isbuuca

Khabiirka BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 8aad ee horyaalka Premier League oo la ciyaarayo Jimcaha ilaa iyo Axada, isagoo iska jabiyay rikoodhkiisa saadaasha ee Liverpool markii ugu horeysay.Maalinta Axada kulan adag ayaa Etihad Stadium ku dhexmari doona kooxaha ku xafiiltamaya hanashada horyaalka ee Manchester City iyo Liverpool iyadoo Lawrenson uu markii ugu horeysay tan iyo 2016dii uu guuldarro u saadaaliyay kooxdiisa hore ee Reds.159 kulan oo isku xigta ayuusan Liverpool u saadaalinin guuldarro…

Liiska Xiddigaha Xulka England Oo Lagu Dhawaaqay, Mason

Phil Foden ayaa dib loogu soo celiyay xulka qaranka England laakiin Mason Greenwood ayay weli ciqaabta ku socotaa isagoo laga soo tagay. Tababaraha xulka England ayaa u soo yeeray xiddiga Manchester City Foden kaasoo lagu soo daray liiska 29ka xiddig ee la ciyaaraya Republic of Ireland, Belgium iyo Iceland. Laakiin waxaa laga soo tagay xiddiga Manchester United Mason Greenwood iyadoo Foden iyo Greenwood bishii September xulka laga ceyriyay ka dib markii ay gabdho si dhuumaaleysi ah ku soo geliyeen qolkooda. Waxaa la…

Man United OO Wadahadal La Bilowday Tababarihii Ay Ku Bedeli

Manchester United ayaa wadahadal la bilowday Mauricio Pochettino si uu u noqday tababaraha cusub ee kooxda sida ay sheegayaan warar soo baxaya.Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Man United ay xiriir la sameysay wakiilada tababaraha reer Argentina.United ayaa qaab xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyagoo kaalinta 15aad kaga jira kala sareynta horyaalka Premier League halka uu cadaadiska ku sii kordhay tababare Solskjaer.Qaab ciyaareedkii ceebta ahaa ee ay Man United ku soo bandhigtay Istanbul xalay ayaa…

Kooxda Ku Guuleysan Doonta Champions League Oo La

Fursada ay Manchester United u heysato inay ku guuleysato koobka Champions League xilli ciyaareedkan ayaa si weyn hoos ugu dhacday ka dib guuldarro lama filaan ah oo ka soo gaartay kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir.Laakiin waa kuma kooxaha ugu cadcad hanashada koobka Champions League ka dib seddex kulan oo la ciyaaray?Xog uruurin ay sameysay FiveThirtyEight ayay ku saadaaliyeen in Bayern Munich ay ugu cadcadahay in mar kale loo caleemosaaro boqorada Yurub.Kooxda tababare Hansi Flick ayaa fursad boqolkiib 26 u heysata…

Guuldarada Madaxweyne Donald Trump Oo Keeni Doonta Inay

Dhaqaalaha Liverpool ayaa si weyn sarre ugu kici doona sannadka soo socda ee 2021 haddii Donald Trump looga adkaado doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.Natiijada dhameystiran ee doorashada weli ma aysan soo bixin iyadoo ay si weyn ugu hardamayaan madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden.Milkiilayaasha Liverpool ayaa si weyn u xiiseynaya inay ogaadaan shaqsiga noqonaya madaxweynaha xiga ee Mareykanka.Shirkada Fenway Sports Group oo uu hogaamiyo John W Henry ayaa heshiis 6 bilyan ginni ah waxay…

Ole Gunnar Solskjaer Iyo Harry Maguire Oo U Jawaabay Roy

Ole Gunnar Solskjaer iyo Harry Maguire ayaa meesha ka saaraya eedeyntii uu Roy Keane u soo jeediyay isbuucaan isagoo sheegay in Man United ay ka maqan yihiin hogaamiyayaal.Kabtankii hore ee Man United ayaa si xun u dhaleeceeyay ciyaartoyda Red Devils ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Arsenal kulankii Old Trafford.Laakiin Solskjaer ayaa sheegay inuu United ku heysto ciyaartoy xoogan, wuxuuna ku taageeray kooxdiisa inay jawaab fiican ka bixin doonto guuldaradii Arsenal.“Roy mar walba waxa uu ahaa mid hadal badan” ayuu…

Tababaraha Waalan Ee Inter Milan Ee Maamula Cuntada

Antonio Conte ayaa garoonka Estadio Alfredo Di Stefano imaanaya caawa iyadoo Inter Milan ay wajaheyso Real Madrid tartanka Champions League. Tababaraha Talyaaniga ayaa ah shaqsi caan ka ah Yurub oo lagu yaqaano dabeecadiisa waalida ah iyo dishibiliinka adag ee uu ku soo rogo ciyaartoydiisa.Wuxuu ku dhashay magaalada Lecce sannadkii 1969kii, Conte ayaa ka soo gudbay waqtiyo adag isagoo noqday shaqsi ku dhegan dhaqankiisa, wuxuuna taasi u soo gudbiyay qaabkiisa tababarenimo.Koox walba oo tababare ka dhigaya Conte waa qasab…

Miiska Kala Sareynta Premier League Ee Tan Iyo Markii

Manchester United ayaa guuldarro 1-0 ka soo gaartay Arsenal Axadii iyadoo ay aheyd kulankii 100aad ee Solskjaer uu hogaamiyo kooxda Shayaadiinta Cas Cas.Miiska kala sareynta Premier League ee tan iyo markii tababaraha reer Norway loo dhiibay shaqada Manchester United ayaa niyad xumo ku abuuraya taageerayaasha United.Halyeeyga Old Trafford Roy Keane ayaa durbaba sheegay in ciyaartoyda haatan ee Man United ee sabab u noqon doonaan in la ceyriyo saaxiibkiisii hore ee ay isku kooxda ahaayeen.Solskjaer ayaa shaqada United loo…

Koox Premier League Ah Oo Heshiis Hordhac Ah Ka Saxiixeysa

Manchester City ayaa heshiis hordhac ah ka saxiixeysa Lionel Messi bisha Janaayo iyadoo qandaraaskiisa Barcelona uu sii dhamaanayo.Qandaraaska xiddiga reer Argentina ee Camp Nou ayaa dhamaanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo xagaagii la soo dhaafay uu dalbaday in la fasaxo.Man City oo uu tababare ka yahay macalinkii hore ee Barcelona Pep Guardiola ayaa ugu cadcadeyd saxiixiisa laakiin kooxda Catalans ayaa ku adkeysatay xagaagii in sida kaliya ee uu ku bixi karo inay tahay in miiska la soo saaro 700 milyan euro oo lagu…

Roy Keane Oo Ku Dhaleeceeyay Aubameynag Magacii Uu Ugu

Roy Keane ayaa ku canaantay kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang inuu tababare Mikel Arteta ugu yeeray magaciisa koowaad.Weeraryahanka ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta iyadoo Arsenal ay 1-0 ku garaacday Manchester United kulankii Axada ee Old trafford ka dhacay.`Aubameyang ayaa tababarihiisa ugu yeeray Mikel isagoo ka hadlayay guushoodii Old Trafford.Weeraryahanka oo dhaliyay goolkii rigoorada ee guusha keenay ayaa yiri:“Koox shaqo fiican ayay qabatay. Qof walba dadaalkiisii ugu fiicnaa ayuu soo bandhigay, waana…