Mesut Ozil ayaa sheegay inuu kala garan wayay kiilomitir iyo mayl ka dib markii lagu qabtay isagoo ku socda xawaare gaaraya 97 mayl saacadii.Xiddiga laga saaray kooxda Arsenal oo isbuucii mushahar ahaan u qaata 350 kun ginni ayaa u sheegay maxkamada inay soo martay waqti kooban uu kala garan waayay labada cabir xilli uu gaari ku waday xawaare waali ah.Ozil ayaa u qoray maxkamada ku taala Bromley: “Anigoo isku dayaya inaan qiil u yeelo falkeyga, waxaan aaminsanahay inay isku key darsantay wadada oo faaruq aheyd, gawaari kale…