Southampton ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League markii ugu horeysay abid, waxayna go’aansadeen inay ku maadeystaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyagoo maamuusayay taariikhda ay dhigeen.
Southampton ayaa 2-0 kaga badisay Newcastle xalay oo Jimce aheyd ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Che Adams iyo Stuart Armstrong.
Ciyaarta ka dib, waxay soo dhigeen Twitter sawirka kala sareynta horyaalka Premier League oo muujinaya iyagoo hogaanka ku haya 16 dhibcood islamarkaana farqiga goolasha kaga sareeya…