SADDEX Ka Mid Ah Ciyaaryahanadda Chelsea Oo Laga Wareejiyey Lambarradii Ay

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lambarradii ay xidhnaayeen ka qaadday saddex ka mid ah ciyaartoydeeda, waxaanay u sheegtay in ay raadsadaan kooxo kale oo ay u ciyaaraan fasalkan ka hor inta aanu xidhmin suuqa  iibka ciyaartoyda ee labada toddobaadka hadhsan yihiin.

Sida uu qoray wargeyska The Atheltic, Chelsea ayaa si rasmi ah waxay lambarradii uga wareejiysay saddex ciyaartoy oo aanay rajo badan ka qabin kartidooda iyo inay wax kusoo kordhin karayaan Stamford Bridge.

Tababare Thomas Tuchel ayaa uu wargeysku sheegay inuu kulan la yeeshay ciyaaryahannadan oo uu si rasmi ah ugu wargeliyey in aanay qayb ka noqon doonin qorshihiisa xilli ciyaareedkan, isagoo u sharraxay sida uu u saluugsan yahay tayadooda ciyaareed iyo in ay saamayn ku yeelanayaan.

Ciyaaryahannadan ayay xaaladdoodu sii xumaatay markii ay kooxdu lasoo wareegtay Romelu Lukaku oo tirada ciyaartoyda kooxda ee marka horeba badnaa sii kordhiyey.

Tiemoue Bakayoko oo kasoo laabtay amaah uu xilli ciyaareedkii hore ugu maqnaa AC Milan ayaa ugu horreeya ciyaaryahannada lambarradoodii laga xayuubiyey, loona sheegay in aanay ku jirin qorshaha kooxda. Laacibkan reer France oo ku fashilmay inuu saldhigo Blues ayaa noqday ciyaartoyga ugu horreeya ee lumiyey lambarkiisii.

Waxa kale oo iyagana laga qaaday lambarradoodii Danny Drinkwater iyo Ross Barkley oo iyagana loo sheegay in ay isku diyaariyaan bixitaan, haddii  kalena ay kaydka iyo liiska oo aan lagu soo darin ku dhamaysan doonaan xilli ciyaareedka toddobaadkan bilaabmay.

Ciyaaryahannadan oo Chelsea ku jooga qiime gaadhaya £90 milyan oo Gini marka la isku geeyo lacagtii ay Blues kusoo iibsatay, ayay muuqataa in aanay wax mustaqbal ah ku lahayn Stamford Bridge.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More