Romelu Lukaku Oo Shaaciyey Kulanka Ugu Horreeya Ee Uu U Ciyaarayo

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa xaqiijiyey in uu ciyaari doono kulanka Axadda ee London derby ee ay Chelsea ku waajahayso Arsenal, taas oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka hor tago.

Lukaku oo seegay ciyaartii furitaanka horyaalka ee Sabtidii ay 3-0 kooxdiisu ku garaacday Crystal Palace maadaama uu karantiil ku jiray oo aanu tababarka u helin waqti, waxa uu hadda diyaar u yahay in uu ka hor tago Arsenal.

Xiddigan oo 30 gool oo dhamaan tartamada ah usoo dhaliyey Inter Milan xilli ciyaareedkii tegay, waxa uu si adag iskugu diyaarinayaa in uu naadigiisa cusub ku hoggaamiyo guul ciyaartiisa koowaad ee Arsenal ka hor tegayaa, laakiin Gunners oo guul-darro 2-0 ah kala kulantay Brentford Jimcihii ayaa iyaduna dagaal diyaar u ah.

Romelu Lukaku oo waraysi siiyey website-ka Chelsea ayaa ugu bushaareeyey taageereyaasha kooxdiisa in uu ciyaari doono kulanka Arsenal, waxaanu yidhi: “Diyaar ayaan ahay, waxaanan isku dayayaa in aan tababareyaasha u caddeeyo naftayda, in haddii la ii baahan yahay, in aan ciyaari karayo [Kulanka Arsenal]

“Aniga waxay ii tahay dagaal cusub laakiin dhamaantayo waxa aanu u dagaallamaynaa hal ujeeddo, waana in aanu xaqiijino guusha Chelsea.

“Waxa aan taas ku xaqiijin doonaa tababarka toddobaadka si aan ugu soo bilowdo ciyaartan, boqolkiiba boqol ayaanan hubaa in aan tababarka u qaadan doono maalin walba si aan diyaar ugu noqdo ciyaar walba.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More